|

Akhri Sababaha Keenay In Madaxweyne Xasan Sheekh Kasoo Dabco Mawqifkiisii Uu Hore u Taagnaa

Muqdisho:Nov,28,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhawaanahan Muujinayey sida uu xiisaha ugu hayo in khilaafka ka dhex oogan isaga iyo Ra’isal wasaarihiisa lagu dhameeyo wada-hadal iyo isu tanaasul, taas oo ah wax aanu hor u oggolayn.

negTan iyo wixii ka dambeeyey Isniintii toddobaadkan markii  mudanayaasha Madaxweynaha taageersani ku guuldarraysteen inay meel mariyaan mooshinka ka dhanka ah Ra’isal wasaaraha oo uu madaxweynuhu si weyn usoo abaabulayey, ayuu qaatay Go’aan ka duwan midkii uu hore  u aaminsanaa ee ahaa inuu mooshin kaliya miciinsado.

Madaxweynuhu wuxuu  bilaabay inuu inuu maalintii shalay kulamo kala duwan  madaxtooyada kula yeesha mudanayaashii taageersanaa Ra’isal wasaarahaa, kuwaas oo tiraba saddex goor is hortaagay mooshin uu madaxweynuhu riixayeyey oo Ra’isal wasaaraha ka dhan ahaan.

Madaxweynaha, ayaa sidoo kale ka codsaday in ay iska soo dhex saaraan xubno matala, si ay uga qayb qaataan dadaalada lagu doonaayo in lagu soo afjaro khilaafka xadhkaha goostay ee kala dhaxeeya Wasiirka 1-aad ee Xukuumada.

Xildhibaan Ibraahim Xaaji Suleymaan oo ka mid ah Xildhibaanada la kulantay Madaxweynaha, ayaa waxa uu sheegay inay magacaabeen guddi ka kooban 5 xubnood, oo dhankooda kaga qayb qaadata wada xaajoodyada.

Waxa kaloo uu sheegay in dhinaca Madaxweynaha ay ka suggayaan goortii wada hadalada la bilaabi lahaa, si looga gudbo khilaafka adag ee ragaadiyay Hay’adaha Dowladda Federalka Somaliya.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jibriil oo ka barbar hadlaayay Xildhibaan Ibraahim Xaaji Suleymaan, ayaa soo dhaweeyay in Madaxweynuhu uu ka codsado inay la kulmaan, isla-markaana khilaafka lagu dhameeyo waan-waan.

Hadaba Shacabka iyo dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay isweydiinayaan waxa soo dedejiyey inuu Madaxweynuhu yaqiinsado in wada-hadal la bilaabo oo arrinta loo dhiibo xeer-beegti labada dhinacba ku  kalsoon yihiin, waxana laga bixiyey Aragtiyo kala duwan.

Khubarada qaarkood, ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu  lumiyey fursado badan oo ay jirtey maalmo aanu khilaaafkani halkan gaadhsiisnayn, kuwaas oo aha aka hor intii aanu muranku ku dhex baahin baarlamaanka ee aan mooshinka xiisadda kiciyey lasoo abuulin.

Haatan waxa la tilmaamay inuu madaxweynuhu yaqiinsaday in habka uu doonayaa yahay mid Burburinaya dawladnimada, isla-markaana curyaaminaya dhammaanba Hawlihii dawladdu haysay, kuwaas oo intooda badan uu Ra’isal wasaaruhu dhaqaajin jirey.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu is tusaaleeyey in wakhti badani ku lumay murankan taan ee aanay haddana muuqanin marin  lagaga bixi karaa, isla-markaana ay ku kala fogaadeen dadkii wada shaqayn  jirey ee muddada Badan xukuumadda kasoo wada tirsanaa, kuwaas oo haatan xataa hab reernimo ku kala saftay, waxana uu aaminay in qarankii halis ku jiro.

Waxa uu Xasan sheikh sidoo kale meel uu ka maro waayey  Culaysyo Beesha caalamku ku saartay inuu  xalka ogolaado, maadaama soomaalida lagu yaqaano inay turxaan bixinta aad ugu dheereeyaan, waxana arrintaas door weyn ka ciyaaray Wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nickolas Kay oo isagu la aragti ah Ra’isal wasaaraha, isla-markaana hore u sheegay in xildhibaanadu tartan ugu jiraan Laaluush ay Xukuumadda ku Duminayaan, taas oo cadho weyn ku abuurtay Madaxweynaha iyo Saaxiibadda mamay ee uu ku leeyahay Golaha Baarlamaanka.

Waxa kale oo kamid ah Qoddobada sababay inuu Madaxweynuhu ogolaado wada-hadalka Ra’isal wasaaraha  inuu quus ka taagan yahay Habka kaliya ee uu aaminsan yahay in Ra’isal wasaaraha meesha lagaga saari karo oo ahaa Baarlamaanka dhexdiisa, kaas oo markii saddexaad Guuldarro iyo ceeb ku dhamaaday, waxana uu aqoonsaday inuu Ra’isal wasaare Cabdiweli ka miisaan culus yahay nin loo qoolo dabinkii hore loogu qoolay Saacidkii ka horreeyey oo Baarlamaanku caydhiyey.

Cadaadis kale oo Badan sida la sheegayo waxa madaxweynaha saaray, isla-markaana talooyin siiyey Guddoomiye Jawaari oo u sheegay inaanu sharci iyo sharcidarro midna Baarlamaanka dhexdiisa  ugu haynin Qiil uu meesha kaga saaro, maadaama uu Ra’isal wasaaruhu Haysto mudanayaal naftood hurayaal ah oo ay ka Go’an tahay inaanu meesha ka Bixin.

Haatan waxa uu xasan sheikh si cad ugu sheegay mudanayaashii kasoo horjeeday inuu xal diyaar u yahay, isla-markaana wax laga beddeli doono habkii hore uu u adeegsan jirey ee ahaa Baarlamaanka oo Mooshin si fudud u meelmariya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed