“Waxaad arki doontaan Madaxda Xilka haya ee Xukuumadda oo ku soo biiraya Xisbiga WADDANI” Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Akhri
Hargaysa 28.Nov 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in dhawaan la arki doono Xubno badan oo ka tirsan Madaxda xilka ka haya Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Siilaanyo oo ku soo biiraya WADDANI, waxaanu soo dhaweeyey Siyaasiyiin xilal kala duwan oo Wasiirro, Agaasimayaal guud iyo Guddoomiyeyaal gobol isugu jiray oo maanta ku biiray Xisbigaas.
Cabdiraxmaan-Cirro oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo dhaweeyey Siyaasiyiinta Xilalka ka soo qabtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo maanta lagu qabtay Huteel Craw nee magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI ku hawlan yahay samaynta Barnaamijkiisa siyaasadeed, isla markaana ay u furan tahay taageerayaasha WADDANI inay fikirkooda ku biiriyaan oo ay ka qayb-qaataan hirgrelinta Barnaamij-siyaasadeedka WADDANI.
Khudbada Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cirro ayaa u dhignayd Sidan:-
Bismilaahi Raxmaani Raxiim wa salalaahu calaa sayidiina Muxumed wa calaa aalihi wa saxbihi wa salam.
Asalaamu calaykum wa raxmatulaahi wa baraakatuhu
1. Soo dhaweyn
waxaan si farxad leh, diirran oo qalbi furan ugu soo dhaweyntaa madaxda ku soo kordhisay miisaankooda, cududooda, caqligooda , fekerkooda iyo waayo aragnimadooda Xisbiga WADDANI. Waxay hubaal ah inay SAHAN u yihiin shacbiga reer Somaliland tilmaan u tahay meesha shacbigu geediga ay KULMIYE kaga guurayaan reerka u rarayaan.
2. Xisibiga WADDANI
Waa Xisibi Qaran .Waa xisbi mucaarid ah. Waa xisbiga rajada Somaliland. Waa Xisbiga Dhallinyarada . Waa Xisbiga Haweenka. Propogaanadha xumaadda iyo TV qaranka wax u kordhiso mooyaan waxba yeeli mayso koritaanka Xisbiga. Madaxda xukuumadda iyo Madaxda KULMIYE waa u banaan tahay ku soo biirista Xisbiga WADDANI. Maanta waxa Xisbiga ku soo biiray wasiiradii xilalka hayn jiray iyo madaxda kale oo qarankana xilal kala duwaan ka soo qabtay sida Agaasiyaal Guud, badhasaabo, maareeyayaal iyo xilal kale.
Waxaan rajeynaynaa in kuwa xilalka hayaana dhawaan inagu soo biiraan. Maanta ummadda rajo kale uma muuqato.
Xisbigu waa Xisbi nabadeed. Anna waxaan ahay Hogaamiye nabadeed. Hogaamiye doonaya shacbi iyo dal mideysan . Hogaamiye doonaya in dalkiisa iyo dadkiisa u noqdo adeege daacad ah. Adeege la nool bulshadiisa ku shaqeeya kana turjuma dareenkooda . Adeege dhege nugul oo sacaad kasta la heli karo .
3. Barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbiga (political manifesto)
Gacanta ayaa lagu hayaa, aad baa looga baaran degeyaa, shacbigana waa loo bandhigi doonaa, muwaadin kastaana fekerkiisa waa ka soo dhiiban karaa, barnaamij ummadda raali geliya ayaan soo bandhigi doonaa.
4. Amniga Qaranka
Xukuumadda ayaa ka masuul ah amniga qaranka. Ciidamadu waaa adeegayaal shacbiga u shaqeeya. Hubka waxay u sitaan sugida amaanka. Waxaa inaan ciidamadu u adeegsan si qaldan oo ayna u adeegsan shacbi aan hubeysnayn. Waa inay shaqooda u fuliyaan si sharciga waafaqsan. Muwaadinka la xidhayo waa in loo maro qaabka sharcigu baneeyey oo keliya.
Waxaa warwar leh haddii Xildhibaanada oo dastuurka siiyey xasaanad sifo sharci daro ah ciidanka amaanku u xidho karo, arrintaas oo ah dastuur jabin cad , muwaadiniinta aan xasaanadda lahayn maxay mudan karaan? Eesh qiyaasak!!
WADDANI waa gurmadkii sugitaanka caddaaladda iyo ku dhaqanka sharciga; waa badbaadiyaha Qaranka; ciidamadana waxa uu ku hogaaminayaa wadada sharciga iyo mooraal wanaagsan.Ciidanka waa in lagu tababaraa xaqqa muwaadinka iyo ku dhaqanka sharciga.
Shacbiga reer Somaliland gaar ahaan taagerayaasha WADDANI waxaan ugu baaqeynaa inaan wada ilaalino xilna inaga saaran yahay amniga qaranka.
5. Wada shaqaynta iyo kala madax baaninada Waaxaha Qaranka
Golayaashu xilbay u hayaan ummadda, maalintii dagaal gudahooda kaga luntaa ummadda oo dhan bay ka luntay waxaana ku dayacmaya shaqadii qaranka.
Waddani wuxuu balan qaadayaa markuu hogganka dalka qabto in aanu u koriyo habka dimuqraadiga ee ah in Waaxaha qaranku wada shaqeeyaan kalana madax banaanaadaan sida dastuurku tilmaamayo.
6. Golaha Wakiilada JSL
GolahaWakiiladu JSL markii horeba dhib ma dhex ool, dhibku wuxuu ahaa mid tahriib noogu yimi. Goluhu wuxuu yeeshay fadhi xidhan wuuna is calool xaadhay, waxaanuu go’aansaday inuu midnimo ku shaqeeyo shacigana u adeego. Wuxuu go,aansaday in xeerarka qabayada ah si isbdabajoog ah u gudagalaan oo ay u muhiimsan yihiin kuwa doorashooyinka foodda inagu soo haya.
7. Doorashooyinka
Go,aanka Xisbiga WADDANI waa in doorashada Madaxweynaha iyo tan GolahaWakiilada ay wakhtigeedii ku dhacdo 26 Juun 2015.
Waxa furuhu yahay in aynu Diiwaangelin Codbixiye oo xalaal ah, dhaxalgalna ummadda u noqota aynu samayno. Wakhtiga inta inaga luntayna inaynaan waxaba ku sii darin. Waxa kale oo lagama maarmaan ah in aynu si degdeg loo sameeyo Election Roadmap ( Jaantus doorasho) oo aynu ku wada hawlgalno.
Waxa laga sugayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee cusub in ay xilkaa si hufan u hogggaamiyaan o ay isku wadaan daneeyeyaasha guddaha iyo dibeddaba.
Komishankii cusbaa waxa la ansixin doonaa sabtida haddii eebbe idmo.
8. Kaalinta Haweenka ee bulshada iyo xukunkaba
XisbigaWADDANI wuxuu aqoonsan yahay doorka haweenku ku leeyihiin dhismaha qaranka cusub iyo tacadiyada is biirsaday ee ay la kulmaan.
Wuxuu WADDANIi u balanqaaday Haweenka in xilalka dalka iyo Xisbiga laga siiyo tixgelinta ay mudan yihiin. Siyaasadda Xisbiga WADDANI waxa ka mid ah
a. hirgelinta quota ( koote) xaq iyo caddaalad ku dhisan in uu gooyo, sida caalamka inta badani ay maanta samayso si ay u suurtogasho inay talada dalka ka qayb qaataan haweenku
b. Wuxuu la dagaalamayaa dulmiga bulsheed qofqof iyo wadarba ku dhaca oo ay
ka midyihiin caadooyinka aan diin iyo isnaaninimo midna ku hagaagsanayn.
c. Wuxuu si gaar u dhiirigelinayaa waxbarashada hablaha
9. Kaalinta Dhalinyarada
Waxay Dhaliyaradu ku leeyihiin talada iyo dhismaha Xisbiga Kaalin mug leh oo maalinwalba sii koraysa. Waa xisbigii dhalinyaradu ay aayahooda ku aamineen. Siyaasadda Xisbiga waxa ka mid ah
a. ka shaqaynayaa sidii dhallinyarada xaqooda doorasho ee da’da kaga xayiran looga dulqaadi
b. kobcinta a waxabarashada gaar ahaa iskuulada farsamada gacanta si loo helo xirfado dhallinyaradu shaqaysan karaan
c. Wuxuu u samaynayaa caddaalad tartan ku salaysan oo aan shaqo cidina garab uga baahan oo awoodda xirfadeed ay hayso.
d. Wuxuu qorshe u samaynayaa kuwa ku dayacan tahriibtaku eedaadsan min dalalka deriska ah ilaa saxaaraha iyo xeebaha afrikada woqooyi.
e.Wuxuu ka war hayn doonaa waalidiinta aafadaasu ku habsato.
10. Dhaqaalaha
Dadka reer Somaliland waa ummad shaqaysata oo muujisay in ay iskeed wax u qabsan karto iyadoo ictiraafla’aantu ay iska tahay cunaqabatayn ( embargo) caalamiya.
SiyaasaddaWADDANI waa dhiirgelinta maalgashiga muwaadiniinta iyo shihseeyahaba ( foreign investment) iyi fududeynta shuruucda maalgashiga sahlaysa iyo in wixii caqabada ah laga qaado.
11. Xidhiidhka Caalamiga
Xisbiga WADDANI caalamka ina daneeya aaad bay isgu xidhan yihiin oo derisku ugu horeeyo.
Kuwaas waxa WADDANI kala shaqaynayaa sidii ay Somaliland u xejisan lahayd magacii iyo qaadarintii ay ku heshay in ay doorashooyinka dimuqraadi ah oo nabad ah qabatay.
Maantana waxa magaca, maamuuska iyo badbaadada somaliland ku jirtaa kuna sii jiri kartaa in aan diiwaan gelin codbixiyeyaasha sameyno, doorashooyinkana waqtigoodaii ku qabano kana ilaalino hagar daamo , dhib u dhac iyo muddo kordhin xaaraan ah oo si qaawan loogu badheedho.
Muddo Kordhinta maxaad tidhaahdeen!!!!
12. Cambaareyn
Waxaan cambaareynayaa xadhigii xalay ee labada dhallinyarada ka tirsanaa JIDALI ee laga qabtay isla hudheelkan CROWN iyaga oo shir wada tashi ku jira. Sidoo kalena xadhigii Gudoomiyaha Jiidali. Dhamaantood waxaan soo jeedinaynaa in loo soo celiyo xoriyadooda
Waxaan ugu baaqayaa in xoriyadiisa loo soo celiyo Xoghayaha Xanaanada Xoolaha ee Xisbiga WADDANI oo xidhan in ka badan lix (6) usbuuc iyada oon maxkamad la keenin dembina lagu cadeyn, cid ku mudici ahna aan la aqoon .
Waxaan kale oo cambaareynayaa cabudhinta iyo xadhiga joogtada ah ee lagu hayo saxaafadda madaxa banaan iyo muwaadiniinta aan loo marin qabashooda si aan sharciga waafaqsanayn.