|

Mujaahid Boobe Hadallo Miisaan Leh Ku Ganay Xubno Hankooda Siyaasadeed u Dabray Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo ahaan jirey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa  tilmaamay in isaga iyo rag kale oo ay isku fikir yihiin ay ka xishoodeen inay Hankooda siyaasadee cid kale marti uga noqdaan.

boreMujaahidka oo ka Hadlay Munaasibad loo qabtay Siyaasiyiin uu isagu ka mid yahay  oo ku soo biiray Xisbiga waddani ayaa si  Hadoodilan oo aanu cid magacaabin u sheegay inuu hankiisa ka dhabaynayo, waxana uu soo Xigtay Hadallo uu hore u yidhi wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale, kuwaas oo ahaa inuu Hankiisa Badka keeni Doono Xilliga uu Madaxweyne Siilaanyo ka Dhergo Xilka Madaxtinimo, taas oo si weyn uga cadhaysiisay Taageerayaal Badan oo uu hore u lahaan jirey,

“Waxan nahay isbaddel doon, isbeddelkuna waa Badan yahaye waxanu ujeednaa Isbeddel togan oo caafimaad qaba oo  dad iyo dalba la mahadiyo, waxa kale oo aanu  kasii nahay Haakah ma sugtada Go’aansatay inaan mar dambe laga qaniinin God hore looga qaniinay, Waxanu ka Duwanahay Haakah Sugtada, waxanu nahay dad ka khatoobay filimada lasoo celceliyo ee sidii musalsallada loosoo celceliyo ee Indhihii iyo Dhegihiiba ka daalleen.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale.

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu Carrabka ku dhuftay dhaqan caan ka ah Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, kaas oo ah Marka uu madaxweynuhu musharraxnimadiisa shaaciyo in cid hadasho la waayo, halka marka Musharraxnimadiisa tuhun la geliyana ay soo baxayaan Rag badan oo marka hore gabanayey, waxana uu yidhi,

“Maanta waxa la odhanayaa madaxweynuhu wuu sharraxan yahay dabadeena saddex madax baa la waayayaa, Berrina waxa la odhanayaa madaxweynuhu ma sharraxna, Haddana Saddex Madax baa mudh soo odhanaya.”

Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu sheegay sidii dhinac looga dhaafi lahaa, isla-markaana wax looga Baran lahaa waxyaabo iyo dhaqanno Taban oo uu sheegay in lagu arkay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu Hore uga tirsanaan jirey, waxana uu yidhi,

“Waxanu idiinku nimi inaan xisbiga waddani u adeegsano xaqiijinta Himilooyinka qaran ee Dal iyo dadba danta u ah, oo aanu xisbiga ku wadaagno dareenada Togan Ee  Dal-jacaylka iyo dad-jacaylkaba ah oo aynu la dagaallanno qabyaaladda dad iyo dalba lagu shiddeeyey ee aynu taab la rogi la’nahay. Waxanu idiinku nimi inaanu wax ka barrano oo aynu wax ku qaadano waxyaabaha taban ee Nusqaanta leh  ee aynu ka aragnay nidaamkan aynaan mahaddin xukuumadda maanta dalka kka talisa ee aynu eednay, abaalkeeniina xumaanta iyo Tacaddiga inooga dhigtay.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed