Xarunta Dhaqanka Ee magaalada Hargeisa Ayaa Xalay lagu Soo Bandhigay Buug Ka Hadlaaya In Somaliland Iyo Dhulka Soomaliduba Uu Ahaa Dhulkii Uduga Ama Faraaciinta
Hargeisa 27/11/2014(SDN/QJ)Xarunta Dhaqanka hargeisa Ayaa Xalay lagu soo Bandhigay Buug Uu Qoray Axmed Ibraahim Cawaale Oo Lagu Soo Bandhigay Xaruntaasi Ayaa Waxa Uu cadayna In Dhulka Somaliland Iyo Guud Ahaan Dhulka Somalida Uu Ahaa Dhulkii Faraacnida Ama Masaaridii Hore Oo loo Yaqaanay Dhulkii Ugu Ama (ARLADA PUNT)
Buugan Oo Uu Soo Saaray Axmed Ibraahim Cawaale Ayaa ku Qoran Luqada Engirisiga Ayaa Magaciisu Cadaynaa In Dhulka Somalidu Yahay Arlada Punt Oo ahaa Dhulkii Firacinada ityo Masaaridii Hore Waxana Uuna Buugani Daaha Ka Rogayaa Oo Cadaynayana Inuu Somaliland Iyo Guud Ahaan Somalida Uu ahaa Iyadoo Uu Axmed Ibraahim Cawaale Soo Bandhigay Aasar Cadaynaysa Somaliland Ay Yaalan
Qoraagu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Buugan oo aan soo bandhigay ee caawa ay ardayda Jaamacadaha dalka iyo dibadiisa ka soo qayb galeen, waxa uu tilmaamayaa ama ku jira markhaatiyo iyo cadeymo tiro badan oo arrintaa iftiiminaya, waana ujeedada u wayn ee buugani cadaynaayo in dhulkani yahay dhulkii Punt, isla markaana taariikh fara wayn iyo ansaar qadiim ah ay dalkeena taalo, dadweynaha ama bulshada caalamkana kula tartami karno oo tusi karna taariikhdaa.”Qoraaga Buuga
Munaasibadaasi lagu soo bandhigayay buugan waxaa goob jog ka aha Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo isaga lagu qabtay Xaruntiisa bandhiga buuggan Jaamac Muuse Jaamac, Sacadiya Axmed Muuse oo xidhiidhinaysay, Axmed Ibraahim Cawaale oo ah qoraaga buuggan, xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan oo ka tirsan Golaha Wakiilada xidhiidhna la leh Xarunta Dhaqanka, aadna u taageeray soo bandhigidda buuggan, dhamaantoodna waxa ay da’ yartii Jaamaciyiinta dalka ee ka soo qaybgalay kula taliyeen in taariikhda dalkan iyo dadkan la ilaaliyo, buuggaana laga faa’iidaysto, wixii lagu kordhinayaana xil la iska wada saaro.