|

Waxgaradka Beelaha Hawiye Oo Ku Dhawaaqay Inay Gacmaha La Geliyaan Khilaafka Madaxda Dawladda Somalia

Muqdisho:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye, ayaa si toos ah uga Hadlay khilaafka ragaadiyey dawladda somalia, kaas oo u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’isal wasaarihiisa.

xeedOdayaasha Beelahaas oo warbaahinta Muqdisho la Hadlay, ayaa shaaciyey inay usoo diyaar garoobeen sidii ay khilaafkaas u damin lahaayeen, isla-markaana ay meesha uga saari lahaayeen muranka raagaaiyey Habsami-u-socodkii Hawlaha qaranka somaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha dhaqanka Beelaha HaweyeNabadoon Maxamed Xasan Xaad oo si gaar ah warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in wixii haatan ka dambeeya aanay khilaafka dusha kasii daawan Karin, isla-markaana ay si degdeg ah arrintaas daminteeda iskugu xilqaami doonaan.

Waxa uu sheegay Nabadoonku in amuuraha sida ay ku socdaan aanay aheyn wax farxadgelinaya shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana khilaafka markii hore sababta ay u faragelin waayeen ay aheyd inay rajo ka qabeen in madaxda dhexdooda ay xalistaan arimahooda.

“Adeer runtii wax lagu farxi karo ma’aha muddana waan eegaynay madaxda sare dowladda iyo Xildhibaanada waxaan ku baaqeynaa in lasoo gaba-gabeeyo, Xildhibaanadu wax ayey kusoo kordhin waayeen rajada ma wanaagsana sida inoo muuqata, madaxdana wey is xalin waayeen”Ayuu yidhi Nabadoon Xaad.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, ayaa sidoo kale sheegay in caalamka uu rajo xumo ka muujinaayo sida ay wax ku socdaan iyo khilaafka jira.

Wuxuu intaasi hadalkiisa raaciyay in markii horeba dowladdan ay soo dhiseen Odayaasha, iminkana la rabo in talada dib loogu celiyo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed.

“Waxaan soo jeedinaynaa Odayaasha in lagu soo celiyo dowladda waa dowalad Odayaaleed, doorka Odayaasha hala soo celiyo markii horeba Odayaasha iyaga ayaa dhisay, anaga rajooyin badan ayaa noo muuqday laakiin hada xoog ayaan u galaynaa in nala soo dhaweeyo ayaan rabnaa oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aan ka codsanaynaa”Ayuu hadalkiisa ku daray Nabadoon Xaad.

Khilaafka udhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa cirka isku shareeray, markii labada masuul ay si aad ah usii kala aragti fogaadeen.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed