|

Haweenay Reer Afghanistan ah Oo Wiilkeedii Ugu Aargudday 25-Ka Mid ah Dagaalyahannada Daalibaan

Kabul:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Hooyo u dhalatay Dalka Afghanistaan oo lagu magacaabo Reza Gul, ayaa ka muraara dillaacday dil kooxda Daalibaan hore ugu geysteen wiil ay dhashay, waxana ay ka qaybqaadatay dagaal lagu laayey ugu yaraan 25-ka mid ahaa ururka Daalibaan.

afoeDagaalyahanadan ayaa waxaa ay dileen hooyadan magaceeda lagu sheegay Reza Gul wiilkeeda oo ka mid ahaa ciidamo boolis ah joogay bar kontarool oo ku taal magaalada Farah oo ku taal meel ku dhow xadka dalka Iran.

Dagaalkan ayaa sidoo kale waxaa ka qeybqaadatay gabadh ay dhashay Haweeneydani iyo gabadh kale oo ay u ahayd soddoh.

“Waan is celin waayay waxana aan qaatay qori(Ak).”ayay Gul u sheegtay Tolo News. “Waxaan tegey barta kontorool oo lagu diley wiilkeyga waxana aan bilaabay in aan rasaas rido.”

Seema oo ah gabadh ay soddoh u tahay Gul ayaa sheegtay in dagaalku uu sii xoogeystay markii goobta dagaalka ay gaadheen ciidamo ku hubeysan tikniko iyo hub fudud. Waxana aan sii wadnay dagaalka illaa iyo xabadii u dambaysay.

Gabadhan ayaa sheegtay in goobta dagaalka uu ka dhacayay ay noqotay meel ay buux dhaafiyeen meydadka dagaalyahanada Daalibaan ee weerarka soo qaaday. Hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka daalibaan ee la xidhiidha dagaalkan.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed