Saska Madaxtooyadu Ka Qaadday Cududda Siyaasiyiinta Maanta Ku Biiraya Waddani Oo Sababay Inay Soo Abaabusho Dhallinyaro Waji-ku-macaash ah
Hargeysa:Nov,27,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sas iyo baqdin xad-dhaaf ah ka qaadday Xawaaraha uu Xisbiga Waddani ku sii socdo, kaas oo Muddooyinkan dambe isku xaabsaday Quluubta Bulshada iyo Aragtida Taageerayaasha Diyaarka u ah inay Codkooda dhiibtaan.
Baqaha Xukuumaddu waxay haatan ku wareegaysaa Siyaasiyiin Cudud leh, kuwaas oo xilal kala duwan kasoo qabtay Rajiimka Siilaanyo, waxana la filayaa inay Maanta oo Khamiis ah kusoo biiraan Xisbiga Waddani kadib wada-hadallo muddo dheer socday oo ay Xisbiga la lahaayeen.
Xukuumadda ayaa Go’aan ku gaadhay inay Tashuush ku furto Cududda Siyaasiyiinta maanta la Bahoobaysa Waddani, waxana ay shalay soo abaabushay Da’yar waji ku-macaash, kuwaas oo warbaahinta ka sheegay hadallo ay ku naqdiyayaan waxtarka Siyaasiyiintaas.
Da’yartaas oo u dhalatay xaafadda 26-june, ayaa tilmaamay inaanay siyaasiyiintani waxba ku tari doonin cududda Xisbiga waddani, waxana ay intaas ku dareen inay ku adkaan doonto inay sidii ay taageero u keenaa xisbiga dhexdiisa.
Sida ay sheegayaan wararka nasoo gaadhayaa waxa ay madaxtooyadu haatan diyaar u tahay inay fadqalalo ku abuurto koritaanka xisbiga waddani oo muddooyinkan dambe si xawli ah u kasbanaya hanka iyo maskaxda Bulshada somaliand, waxana ay ku Hawllan tahay sidii ay xisbigaas ugu dhufan lahayd Shaambad ka duwan midda uu haatan dadka ku dhex leeyahay.
Maanta oo khamiis ah, waxa xisbiga Waddani kusoo Biiri doona Siyaasiyiin miisaan culus ku dhex saaxadda siyaasadda somaliland, waxana la filayaa inay wax badan ka beddeli doonaan awoodda iyo quwadda uu xisbigaas hore u lahaan jirey.
SDN/QJ