Hadhaagii Madaxda Ururka Jiidali oo Caawa Xabsiga loo taxaabay Xili ay ka hadlayeen Gudoomiyahoodii oo Mudo Xidhnaa
Hargaysa 26.Nov 2014 (SDN/QJ)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa Xabsiga u taxaabay saddex xubnood oo ka mida Ururka JIIDALI, kadib markii ay caawa Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa kaga qeybgaleen Munaasibad lagaga hadlayay xadhiga Guddoomiyihii Ururka JIIDALI Cabdiraxmaan Xasan Aadan oo maalmihii u danbeeyey xidhan.
Saddexdan oo kala ahaa Afhayeenkii Ururka Jiidali Faysal Cumar Madar (Qumuj), Xoghayaha Ururka Jiidali Maxamed Cabdikariin Cumar iyo Cabdi Bedel ma cadda sababta ay ciidamada boolisku u xidheen dhalinyaradan iyo waxay ku eedeysan yihiin-ba.
Xaflada xubnahan laga soo qabqabtay ayaa ahayd mid ay Ururka JIIDALI ku muujinayeen cuddudooda awoodeed ee ay ku leeyihiin Caasimada Hargeysa iyo weliba taageerada ay bulshada ka heystaan.
Ciidamada Boolisku may joojin munaasibadii ka socotay Huteelka Crown ee Magaalada Hargeysa ee xubnahan laga soo qabqabtay oo halkeedii ayay ka sii socotay
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com