Golaha Wakiilada ee Somaliland oo Sabtida u Balansan inay Ansixiyaan Komiishanka Cusub ee Doorashooyinka
Hargaysa 27.Nov 2014 (SDN/QJ)- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay cod gacan taag ah ku meel mariyay Ajandaha Kalfadhiga 26-tanaad ee Golaha Wakiilada.
Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ayaa lagu wadda in Sabtida Todobaadkan an Ansixiyaan Xubnaha cusub ee Guddida Doorashooyinka oo uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay, waxaanay hore ansixintooda saamayn ugu yeeshay Khilaafkii u dhexeeyay Golaha Wakiiladda ee Todobaadkan ay soo afjareen Guddi dhex-dhexaadin ka gashay oo ka tirsan Golaha Guurtidda.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii ay Xildhibaanadu ansixiyeen Ajandaha 26-aad ee Golaha, waxa uu mudeeyey xilliga la ansixinayo Komishanka Doorashooyinka qaranka ee cusub waxaanu yidhi,“Gole waynaha, waxaan u sheegayaa maalinta Sabtida, in la ansixinayo Komiishanka doorashooyinka Qaranka,Axadana waxa golaha hor iman doona Wasiirka Wasaarada Maaliyada,maalinta ay soo galayso isiniintuna waxa la samayn doonaa Xisaab xidhkii, waxaana akhriyi doona hanti dhawraha Guud ee Qaranka.”
Todobadan Xubnood ee Guddida Doorashooyinka ayaa badalaya Xubnihi hore oo arrimaha Doorashooyinka Somaliland soo maamulayay muddo shan sanoodd ah.