|

Dibed baxyo ruxay magaalooyinka ugu waaweyn dalka Mareykanka

Fergusun Nov 26,2014(SDN/QJ)-Dalka Mareykanka ayaa magaalooyinkiisa uGu waaweyn waxa shalay ilaa xalay ka socday isu soo baxyo looga soo horjeedo gooamo ay soo jeediyeen xeer beegti dhegeysaneysay dil nin Police ahi uu ugeystay wiil madaw oo ku nool magaalada Ferguson.

Dibed baxyada oo ka dhacay magaalooyinka New York, Los Angelis Chicago, iyo qaar kale oo faro badan ayaa lagu muujiyay diidmada goaanka xeer beegtida ee lagu sheegay in dilka Michael Brown uu u geystay Deren Wilson in uu sharciga waafaqsanaa.

Warbaahinta Mareykanka Ayaan kala joojin hadal heynta goaankaas iyo isu soo baxyada oo sababy burbur hanti iyo xarig dad shicib ah oo aad u faro badan,

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in dadka laga tirade badan yahay ee ku nool Mareykanka khaasatan Madawgu in ay khaatiyaan ka taagan yihiin toogashada dhalintooda.

SDN/QJ-Ferguson

contact@qurbejoog.com

Comments are closed