Xisbiga UCID oo madaxweyne Axmed Siilaanyo ka Taxsiyadeeyay geeridii ku timi Walaalkii Marxuum Jaamac Maxamed Maxamuud
Hargeysa Nov 26,2014(SDN/QJ)-Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka ee UCID ayaa dhabaal tacsiya u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo walaalkii Jaamac Maxamed Maxamuud dhawaan ku geeriyooday dalka UK.
Dhabnabaalka Tacsida oo uu ku sexeexnaa Xogahayaha Warfaafinta ee UCID Md Yusuf Keyse C/laahi ayaa sidan u dhignaa:
“Hogaanka sare ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka ucid,Gudida fulinta,Golaha dhexe iyo Dhamaan Taageerayaasha xisbiga ucid waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan MADAXWEYNAHA JSL AXMED MAXAMED MAXAMUUD (Siillaanyo) iyaga oo uga Tacsiyeeynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid WALAALKII MARXUUM JAAMAC MAXAMED MAXAMUUD Kaas oo Ku geeriyoodey Dalka UK
Waxaana ALLAH uga baryeynaa inuu janatul fardawsa ka waraabiyo dhamaan ummada reer Somalilandna Samir iyo iimaann saadiqa ka siiyo,gaar ahaan QOYSASKII,EHLIYADII IYO QARAABADII REER XAAJI MAXAMEDba uu marxuumku ka baxay”
Aamiin Aamiin Aamiin
Xoghayaha Warfaafinta Ee Xisbiga UCID
Yusuf Keyse Allahi