Mudanayaal Taageersan Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo Dil Loogu Hanjabay
Muqdisho:Nov,26,2014(SDN/QJ)-Warbaahinta Kala duwan ee soomaalida, aya Baahinaysa warar sheegaya in qaar kamid ah Xubnaha Baarlamaanka ee kasoo horjeeda Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda Ra’isal wasaare Saacid loogu Hanjabay in la dili doono.
Qaar ka mid ah xildhibaanadan oo la hadley Warbaahinta qaarkeed, ayaa xaqiijiyay in lasoo gaadhsiiyay liis ay ku qoran yihiin magacyo xildhibaano la sheegay in la dilli doono hadii aaney mowqifkooda wax ka bedelin, isla markaana ka tanaasulin diidmada iyo fowdada ay ka kiciyaan kulamada Baarlamaanka Somalia.
Xubnahan la hadley Saxaafadda oo magacooda qariyay ayaa hanjabaadan ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan mas’uuliyiinta madaxtooyada ee uu Xasan Sheekh ugu horeeyo’ sida ay hadalka u dhigeen.
Hanjabaada ayaa waxaa gudbinaya oo loo wakiishay sida aan xogta ku heleyno xildhibaanada Mooshinka wada qaarkood, iyagoo dhigooda diidan mooshinka ku wargelinaya in xaaladu is bedeshay, loona baahan yahay in ay go’aanadooda ka tanaasulaan, hadii kale ka samraan nolosha.
Lama oga xaqiiqada warkan in ay tahay arrin qorshe cusub ah oo kooxda Xasan Sheekh damacsan tahay in ay uga guul helaan xubnaha diidan mooshinka, iyo in ay tahay borobagaando ay diyaariyeen xubnaha Cabdiweli Sheekh la safan.
Baarlamaanka Somalia, ayaa sii kala fogaanaya, waxana Haatan libinta iska leh kuwa Taabacsan Ra’isal wasaaraha oo si cad u horjoogsaday in Golaha la Horkeeno Mooshin aan Heshiis lagu ahayn.
SDN/QJ