Mareykanka oo muwaadiniintooda Jabuuti ku sugan digniino iyo talooyin u jeediyay
Washington Nov 26,2014(SDN/QJ)-Dawlada Mareykanka ayaa ku celisay digniin ay u jeedisay muwaadiniintooda ku sugan ama booqanaya dalka Jamhuuriyada Jabuuti.
Qoraal ka soo baxay wasaarada arimaha dibedda ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay xogo muujinaya qorsheyaal lagu weerarayo goobaha shicibka iyo kuwa reer Galbeedka ee dalkaas ku yaal.
Talooyin lagu xusay qoraalka ayaa wax aka mid ahaa in feejignaan dheeri ah iyo la socod xogaha akhbaarta amniga in ay fiiro gaara u yeeshaan muwaadiniinta Mareykanka ee Jabuuti ku sugan.
Mareykanka ayaa sheegay in qorsheyaasha argegixida ay noqon karaan qaar isqarxin ah ama duyuurado la adeegsan karo isla markaana loo bahan yahay taxadar dheeri ah.
Qoraalka waxa loogu sheegay Mareykanka Jabuuti ku sugan loo bahan yahay in ay iska diiwaan geliyaan Safaarada Mareykanka ee Jabuuti,
SDN/QJ-Washington
contact@qurbejoog.com