|

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland oo qoraal ka soo saaray Khilaafka dawlada Soomaaliya

Garoowe Nov 25,2014(SDN/QJ)-Hadaanu nahey Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland waxaanu ugu Baaqeyna Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iney xaliyaan khilaafkooda sii jiitamaya isla markaana carqaladeyna Geedi socodka iyo Hiigsiga 2016, kuna xaliyaan qaab waafaqsan Dastuurka Dalka u yaala. 

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland wuxuu Xusuusinayaa Madaxda Dalka Soomaaliya in Umada Soomaaliyeed ay ka daaleen kana niyad jabeen balan qaadyo badan oo aan laga sal gaarin taas oo ugu horeyso in Amniga dalka wax laga qabanayo iyadoo taasina ilaa iyo hada aysan hirgelin oo weli dalkii Foodo iyo amni xumo ka jirto. 

Sidoo kale Madaxda Soomaliyeed ee Federaalka waxaanu xusuusineynaa in Dastuurka Dalka u yaala Qabyo haba ahaadee uu u madax baneynayo Golaha Fulinta ee Raysul Wasaaruhu ugu sareeyo inuu u madax banaan yahay magcaabista Golihiisa Wasiirada iyo Hawladeenada Xukuumada Soomaaliya waana Qodobka 100aad, xarfaha [A] iyo [B]. 

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland wuxuu soo dhoweynayaa Dadaalka Beesha Caalamku ay wado ee ku aadan sidii loo soo afjari lahaa Khilaafkan jiitamaya ee saameyey Geedi socodka 2016ka. 

Sidoo kale Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland wuxuu soo dhoweynayaa Dadaalka uu Wado Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliye Mudane Prof Jawaari kuna joojiyey Mooshinkii Khilaafka ka dhex dhaliyey Golaha Shacabka oo Shaqooyin adagi horyaaliin. 

Ugu danbeyn Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland Waxaanu Masuuliyiinta ugu Sareysa xusuusineynaa in Isu tanaasulku uu yahay Xalka, keeni karana inuu dhamaado is jiid jiidka hada jira.  

Wa Billaahi Tawfiiq. 

 

Abdirisaaq Maxamed Cali

 

Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland

 

 

 

 

 

Midnimo  ● Cadaalad ● Horumar

 

Comments are closed