Xukuumada Somaliland oo ka Qaylisay Xadgudubyada Haweenka Lagula Kaco oo Figtii u Saraysay Maraya DAAWO
Hargaysa 25.Nov 2014 (SDN/QJ)- Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshada ayaa soo saartay war saxaafadeed ku saabsan tacaddiyada loo gaysto haweenka kaasoo lagu beegay maalmaha caalamiga ah sanad walba la xuso joojinta tacadiyadaasi.
Sida lagu Sheegay Warsaxaafadeedka Wasaarada Shaqada Xadgudubyada Haweenka la soo dersay ayaa kala ahaaa Sannadkii 2010kii 105 Kiis,Halka Sannadkii 2011kii uu ahaa 130 Kiis,Sidoo kale Sannadkii 2012 ayuu kor u kacay oo gaadhay 195 Iyadoo uu sii labo kacleeyay Sannadkii ku xigay ee 2013 oo uu gaadhay 290 Kiis Waxaa kale oo Warsaxaafadeedka lagu xusay in Sannadkan aynu ku guda jirno Lixdiisii bilood ee Hore Waxaa Xadgudubyada haweenku gaadheen 142 Kiis.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com