“Aad baan uga Xumaaday inay Xildhibaano xabsiga galaan, madaxweynuhun wuu ka xumaaday,waana arrintan dhacday oo xumaanteeda leh in mudane la xidho,”Gudd. Muuse Biixi
Hargeysa:Nov,17,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cad uga Hadlay Khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada oo maalmahan xaalad kacsan ka dhex abuurtay gebi ahaanba somaliland.
Guddoomiye Muuse Biixi cabdi oo u warramay warbaahinta, ayaa farta ku fiiqay inaanay wax lala yaabo ahayn Beddelaad laga keeno shakhsi xil haya, waxana uu si gaar ah u sheegay in rag hore dagaal uga galay sidii aanu Cirro kursiga u fuuli lahayni ay maanta caaddifad kicinayaan,
“waan in la ogaadaa in arrintani gaar u tahay Baarlamaanka, sideedaba qof xil haya in la beddelo yaan sas laga qaadin, waana waxa aynu ku dhisanahay, waayo xilku waa meerto. Ta labaadna Guddoomiye Cirro xilka waxa saaray oo ku dagaallamay Kulmiye iyo Ucid, Booliskuna Budhadha bay nala dhaceen maalintaas, in la xidhona waa la damcay oo xoog walba waa la iskugu geeyey, Maantana inuu Joogo waa ogolahay waana nin oday oo aanu muddo soo wada shaqaynay maantana xisbi mucaarid ah ayuu hoggaaminayaa, Raggase maanta qaylinaya ee Mudaharaadka abaabulaya ee dareenka qabyaaladda kicinayaa waa kuwii maalintaas Booliska u soo xidhayey cirro ee lahaa halla xidho oo yaanu Fuulin,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi cabdi.
Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Guddoomiye Cirro looga Baahan yahay inuu turxaanta ka saaro Dhibaatada ka jirta Golaha Dhexdiisa, waxana uu yidhi,
“Waar shalay Baarlamaankaa Doortay reerna ma keenin kooxina ma keenin, maanta waa isla baarlamaankii cidda ama dooran karta ama diidi karta, gacantooda ayuunbay ku xidhan tahay isagayna ku xidhan tahay inuu kooxdiisa qanciyo.”
Muuse Biixi Cabdi waxa uu tilmaamay in Guddoomiye Cirro mudan yahay ixtiraam iyo karaamo gaar ah, isagana uu saaran yahay waajibaad gaar ahi, waxana uu yidh,
“Guddoomiyaha Baarlamaanku ixtiraamkiisuu mudan yahay, ilaaladiisuu leeyahay, karaamadiisuu leeyahay, mana ah cabdiraxmaan ee waa xilka.wixii qalad ahna waa in la saxaa laakiin waxa fiican inuu isaguna inuu odaynimada ilaaliyo, “
Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey inaanu inay qalad cad tahay in xabsiga la dhigo mudanayaal Baarlamaan oo xasaanad distoor leh, taas oo ay ku kacday Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,
“Aad baan uga Xumaaday inay Xildhibaano xabsiga galaan, madaxweynuhun wuu ka xumaaday waana aanu ka wada Hadalnay, waana arrintan dhacday oo xumaanteeda leh in mudane la xidho, laba mid uun baana caddaanaysa in mudanuhu qaldamay oo uu dambi weyn galay iyo in boolisku qaldamay oo ay mudanahaas ku xad-gudbeen, labada kii eeddaas yeesha ayuun baa dembigu raacayaa.” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.
SDN/QJ