Madaxweyne Siilaanyo oo Xadhiga ka Jaray 5Km oo Cusub oo ka Mid ah Waddada Cad ee Hargaysa iyo Sallaxley DAAWO
Hargaysa 17.Nov 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xadhiga ka jaray 5KM oo ka mida wadada isku xidha Hargeysa iyo Salaxlay iyada oo guud ahaan wadadaasi marka la isku wada daro 5Km ee Cusubi ay ku noqonaysaa 28KM oo ay iska kaashadeen Xukuumada iyo Shacbiga Degmada Salaxlay.
Madaxweynaha oo soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga Caasimada Hargeysa, mar uu lug ku dhexmaray shacbi farabadan oo isugu soo baxay jidadka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey madaxweynaha caasimada Hargeysa ilaamaa intii uu ka baxaayey, ka dib waxa uu madaxweynuhu gaadhay goobta Munaasibada xadhig ka jarista loo asteeyey oo madaxweynaha loogu sameeyey beer weyn ka mida beeraha qoolcaday casuumad balaadhan oo qado sharaf ah oo ay soo diyaariyeen Madaxdhaqameedka, Masuuliyiin degmada, Haween weynaha iyo shacbiga degmada Salaxlay oo si sharaf iyo karaamo ku dheehan tahay madaxweynaha iyo weftigii balaadhnaa ee ku wehelinaayey socdaalkiisa ku maamuusay
halkaasi.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com