Xildhibaan ka Digay Cawaaqib Xumida ka dhalan karta Ciidanka ilaalada Sahaminta Shiidaalka ee OPU
Hargaysa 04.Nov 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Rayte oo ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ciidamada OPU oo ah ilaalada shidaalka Somaliland ay inay yihiin kuwo loo samaystay dadka shicibka ah.
Waxaanu hadalkan ka sheegay munaasibad ay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI kusoo dhoweynayeen taageereyaal iyo masuuliyiin ka tirsanaa xisbiga Talada dalka haya ee KULMIYE iyo Xisbigii burburay ee UDUB.
Waxa uu sheegay in batroolku yahay shay hadii uu dab qabsado qarxa ,sidoo kalena olola,waxaanu sheegay inay xukumadu meesha ka tegay intay heshiisyadda lala galo hay’adaha oo uu ku tilmaamay xaaraan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dawlada Somaliland samaysatay ciidamo aan sharciga ku jirin,kuwaas oo loogu talo galay inay shacabka reer miyiga ah dagaal la galaan,kuwaas oo ah kuwo horseedi kara dagaal sokeeye oo dalkan ka dhaca.
Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay in waxa qaaradan Afrika colaadaha ka huriyey ay tahay khayraadka lala soo baxaayo oo aan sharci lahayn.
Waxaanu ciidamada OPU-da ku tilmaamay inay yihiin kuwo shirkado ajaanib ahi gacanta ku hayaan gebi ahaanba,kuwaas oo shacabka reer miyiga ah loo samaystay .
Waxaanu uga digay cid kasta oo hawlahasi uga digay in aanu shidalka la qodayaa sharci ahayn,isaga oo ka horyimid wareegtadii madaxweynaha ee ciidamadasi lagu dhisay,isaga oo tilmaamay in aanu madaxweynuhu digreeto ku samayn Karin ciidamo.
Ugu dambayn waxa uu xildhibaan Rayte ku tilmaamay ciidamadaasi kuwo shacabka loo qortay oo la doonaayo in degaanada laga baadhaayo shidaalka la doonaayo in dadkaasi xoolo dhaqatada ah lagaga kexeeyo iyaga iyo xoolohoodaba.
Hargaysa SDN/QJ