Wasiir Cukuse Oo Baajiyey Shir Jaraa’id Oo Uu Ku Shaacin lahaa Fasaxaadda Universal TV
Hargeysa:Nov,03,2014(SDN/QJ)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (cukuse), ayaa dib u dhigay shir jaraa’id oo uu saaka doonayey inuu ku shaaciyo dib-u-furidda Universal Tv oo hore Somaliland looga Xayiray.
Wasiir Cukuse, ayaa saaka saxaafadda Madaxa Bannaan iyo midda Dawladdaba ka Dalbaday inay kasoo xaadiraan shaacinta Sii daynta Universal Tv, Balse markii saxaafaddu cabaar xafiiskiisa joogtay, ayuu dib ka sheegay inuu dibu dhac ku yimi qorshihii uu hadalkiisa ugu talogalay, balse ma bixin wax cudur daar ah oo saxaafaddu ku qanacdo.
Wasiirka oo horeba saxaafaddu uga Warhaysay inuu ugu yeedhay shaacinta sii daynta Universal TV, ayaa daqiiqado gudahood go’aan kale ku qaatay, waxana uu isku qanciyey inuu dib u dhigo shaainta arrintaas oo si weyn loo sugayey.
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa hore ugu dhawaaqay xayiraaddii Somaliland laga saaray Universal TV, Waxana uu maalintaas sheegay inaan dib dambe Universal TV looga daawan doonin Gudaha Somaliland, waxana uu shacabka iyo maatida dalka ku dhaqan usoo jeediyey inaanay daawan Universal TV, isla-markaana aanay kuwooda Ganacsatada ahi iska geynin Maalkooda.
Arrinta keentay inuu wasiirku dib u dhigo ku dhawaaqista xayiraad-ka-qaadista Universal TV, ayaan wali si fiican loo fahmin, waxase loo malaynayaa inuu kusoo dhacay amar kale oo sheegaya inuu badsada talada Hadallada uu u isticaamalayo siidaynta tv-gaas.
Maalinta Berri ah ayuu wasiir Cukuse u sheegay saxaafadda inay yimaadaan shirkiisa Jaraa’id, balse wali ma uu shaacin sababta uu dib ugu dhacay hadalkiisu.
Tv-ga Universal oo kamid ah Telifishinada ugu daawashada Badan soomaalida dhexdeeda, ayaa hore looga Codsaday inuu Raalligelin ka Bixiyo hadalo hore uga Baxay oo Somaliland dhibsatay, waxana uu arrintaas aqbalay dhamaadkii Bishii sagaalaaad ee sanadkan, balse wali ma ay dhicin sii dayntiisu.
Xukuumaddan Haatan ka jirta somaliand ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo, ayaa si xoogan u cabudhisa Saxaafadda Madaxa Bannaan, waxana haatan wali xarumo ciidan loo beddelay Xarumihii Wageysyada Hubaal iyo Haatuf ooh ore loo xayiray.
SDN/QJ