Madaxweyne Siilaanyo Oo Qiray Tabashada Ka Taagan Derejo-qaybinta Ciidamada Qaranka, Xalkoodana Sheegay
Hargeysa:Nove,03,(SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa markii ugu horraysay qiray tabashada kasoo baxday Hannaanka ciidamada kala duwan ee dalka loogu qaybiyey derejooyinkii loo xidhay laba sano ka hor.
Madaxweyne Siilaanyo oo manta ka Hadlay Xuska 21-aad ee loo sameeyey sanad-guuradii kasoo wareegtay aasaaskii ciidanka Booliska, ayaa carrabka ku dhuftay inuu ogsoon yahay cabashada taagan, isla markaana ay xalkooda hayaan, gacanta ku hayaan,
“waxan jecelahay inaan Halkan ka sheego in cabashooyin ka yimaadeen derejooyinkii aanu ciidanka siinay, waxana aanu leenahay taas derejooyinka waanu xallin doonaa, waxna waa ka Qaban doonaa.”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Ciidamada kala duwan ee Ciidamada Somaliland, ayaa waxa la siiyey derejooyin kala duwan, waxana arrintaas Guul weyn ku tilmaama xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisa oo inta badan ku Gorgortama Derejo-qaybintaas.
Ciidamada iyo saraakiisha ayaa cabasho ka muujiyey hannaankii loo qaybiyey darajada, waxana ay taasi keentay inuu Madaxweyne Siilaanyo maanta ku dhawaaqo inuu dib u eegayo habkaas loo wax loo qaybiyey ee dadka qaar saluugeen.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com