Xubnihii Hal doorka ahaa Mudantii uu Madaxweyne Siilaanyo Xilalka ka qaaday oo Kulamo ay Dawladu Shaki ka qabto Hargaysa ku Yeeshay Markii labaad
Hargaysa 03.Nov 2014 (SDN/QJ)- Inta badan ee masuuliyiintii xilalka ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhawaanahan kulamo u socdeen, ayaa yeeshay kulankoodii labaad, ka dib markii ay kulankoodii koowaad ku saareen guddi warbixin soo ururisa.
Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaan laga haynin natiijo rasmi ah, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in guddigii hore loo saaray ay madasha soo dhigtay warbixin dhammaystiran oo ay kaga warantay xaaladda siyaasadeed ee wadanka iyo weliba xaaladda saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo Waddani oo ay mid walba sidiisa warbixin faahfaahsan uga soo diyaariyeen. Warbixinta ayaa sida ay xogtu sheegtay waxay ka dayrisay xaaladda xisbiga KULMIYE ee ay ka tirsanyihiin inta badan masuuliyiiintan kulanka ka qayb gashay.
Kulankan oo ahaa mid xogtiisa aad loo ilaaliyay, ayaa waxa ay masuuliyiintan oo ka mid ahaa raggii sababay guushii Madaxweyne Siilaanyo uu kaga guulaystay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ay si faahfaahsan uga warameen xaaladda siyaasiga ah ee uu wadanku marayo oo uu mid waliba si waaqici ah uga waramay raggii hadlay.
Waxa kale oo ay masuuliyiintani isla garteen inay muhiim tahay inaanay indhaha ka daawan xaaladda uu wadanku maryo balse ay muhiim tahay inay siyaasad ficil ah la yimaadaan, waxaanay u balameen kulan saddexaad oo muhiim ah. Masuuliyiintan oo badankoodu ka tirsan xisbiga KULMIYE, lama garanayo inay ka digo rogan doonaan xisbigaas kuna biiri doonaan xisbiyada mucaaradka, waxase ay xukuumadu ku haysaa kulamadooda indho fiiqan, iyadoo ka warwarsan haddii ay siyaasiyiintan oo ah rag culus ay go’aansadaan inay ku biiraan xisbiyada mucaaradka ah oo ay ku kordhin doonaan cudud laxaad leh.
Ragga kulanka ka qayb galay waxa ka mid ahaa:
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee maaliyadda
Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), wasiirkii hore ee caafimaadka
Maxamed Nuur Caraale (Duur) wasiirkii hore ee arrimaha gudaha
Md. Axmed Cumar Cabdillaahi Xamarje, badhasaabkii hore ee Togdheer iyo Maroodijeex
Axmed Cilmi-yare, agaasimihii hore ee wasaaradda dib u dejinta
Boobe Yuusuf Ducaale, wasiirkii hore ee warfaafinta
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com