|

Fannaan Soomaaliyeed Oo Khaati Ka Taagan Daba-gal ay Ku Hayaan Sirdoonka Ingiriisku

London:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Al-fannaan Aarka Maanta oo ah Fannaan soomaaliyeed oo heesihiisa waayadan dambe aad loo dhegaysto, ayaa  dhibane aan cidi ogayn u noqday Ciidanka Sirdoonka dalka Ingiriiska.

arsSida aanu Wararka ku helayno, waxa uu fannaankani muddo dareemayey daba-gal joogto ah oo ciidankaasi ku hayaan dhaqdhaqaaq kasta oo uu sameeyo, gaar ahaan xilliyadda uu safrayo.

Wararka aanu Hayno ee aanu kasoo xiganay dad ay fannaanka isku dhaw yihiin, ayaa sheegeysa in Aar Maanta uu khaati ka taagan yahay takoorid iyo baadhitaan lagu sameeyo marwalba oo uu ka baxo UK iyo marka uu kusoo laabto, si dadkale ka duwan ayaana loo badhtilmaameedsadaa safar walba oo uu galo.

Aar Maanta oo ah fanaan aad u taageero badan heeso bulshadu xiiseysana qaada, ayaa badanaa safaro kala duwan ku bixiya dunida dacaladeed isagoo fankiisa ay ku xiran yihin qowmiyado aan Somali aheyn oo xiiseeya, waxaana lagu tilmaamaa fanaan fanka Soomaalida weji cusub u furay caalamkana barey.

Balse Aar Maanta ayaa marwalba oo uu ka baxayo ama kusoo laabto dalka UK la kulma takoorid iyo baadhitaan mararka qaar dhowr saacadood meel ay ku xidhaan ciidanka xuduudaha iyo garoomada, Aar Maanta ayaana xaqiijiyay in aanu wax war ah ka heyn sababta arrinta isaga uun loola daba dhigtey, wuxuu kaloo sheegay in aanu wax denbi ah isku ogeyn, muwaadin dhalasha British-ka heystana uu yahay, isla markaana ay ku adkaatey in uu fahmo sababta loo takooro ama kaliftey in safar walbaba laga shakiyo.

Arrinta ugu yaabka badan ayaase ah in sanadkan bilowgiisi uu Aar Maanta isku dayey in uu dalka Mareykanka howlo faneed u aado isaga iyo kooxdiisa oo ajaanib u badan, balse isaga loo diiday in uu Mareykanka geli karo, halka kooxdiisi kale ee ajaanibta aheyd loo ogolaadey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed