Akhri Tirada Xildhibaanada ah ee Saxeexday Mooshinka Xilka Lagaga Qaadayo Ra’isal wasaare Cabdiweli
Muqdisho:Nov,02,2014(SDN/QJ)-Caasimadda Somalia ee Muqdisho, waxa ayaamahan ka socoto xaasaasiyad ay dhalisay khilaafka labada masuul ee dalka ugu sarreeya ka dhaxaysaa, waxana si muuqata loola socdaa iskooxaysiga dhinaca siyaasadda ah ee xukuumadda dhexdeeda ka socda.
Shacabka ayaa indhahooda ku arkaya olole xooggan oo ay wadaan mudanayaal ka tirsan Aqalka shacabka, kuwaas oo doonaya inay Baarlamaanka horkeenaan mooshin xilka lagaga qaadayo Ra’isal wasaare Cabdiweli oo isagu kusoo istaagay Madaxweynaha.
Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in 110 ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay saxeexday mooshinka laga diyaarinaayo Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo ay isa soo tareyso Xildhibaanada qalinka ku duugaaya mooshinkaasi.
Garabka Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mooshinka ka diyaarinaaya Ra’iisal Wasaaraha, ka kadib markii ay u arkeen inaanay wada shaqayn karin Madaxweynuhu.
Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, ayaa waxa uu ku hawlan yahay sidii uu u soo bedeli lahaa Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada, si loo helo shakhsi kale oo wada shaqayn la yeelan kara Madaxweynaha.
Xafiiska Madaxweynaha, ayaa waxa uu caalamka ka dhaadhiciyay inaan la gaadhi doonin hiigsiga sanadka 2016-ka, haddii uu xafiiska shaqada uu sii jooggo Wasiirka 1-aad ee Xukuumada Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed.
Madaxtooyada, ayaa waxay lagama maarmaan u aragtaa in isbedel deg deg ah uu yimaado, si hore loogu sii amba qaado hawlaha ku horgudban Dowladda Federalka Somaliya. (194)
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com