|

Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Dhex Fadhiisatay Maamul-goboleedyada Somalia

Dubai:Nov,1,2014(SDN/QJ)-Shir lagaga Hadlayey arrimaha Budhcad-badeeda oo ka furmay Hutelka weyn ee JM MARRIOTT MARQUIS DUBAI oo shalay soo gebogeboobay, ayaa waxa lagu dhex arkay madax ka socota somaliland oo dhex fadhida.

iswKulankan caalamiga ah oo ay kasoo qayb galeen wafuud cadadkoodu uu gaadhay ilaa 200 oo ergay iyo marti sharaf badan oo kale oo qiyaastii 700 qof ahayd ayaa waxaa ay isugu jireen wufuudaasi kuwo ka kala yimi wadamo ay tiradoodu gaadhaysay 30 wadan,NATO, EURIPION UNION, United Nation ka iyo wakiilo ka kala socday shirkado ay ka mid ahaayeen DP World, ayaa ah mid looga arinsanayo arimaha Budhcad badeednimada oo noqotay mid adduunka oo idil gacanta ay ka teegeen.

iyado somalia iyo maamulada goboledyada somalia ay goob joog ka ahayen madashaa oo somaliland kaga qeyb galay maamul la siman galmudug iyo puntland iyadoo ay fashilantay beentii maamulka somaliland u sheegi jirtay shacabka Hargaysa iyo Burco ee ahayd inaanay tegaynin Goob Somalia shirar loogu qabanayo.

Somaliland wali kama ay hadlin shirkaas ay dhex fadhiisatay, waxase looo malaynayaa inay si khalad ah halkaas u fadhiisatay, amaba ay Hunguraysay Lacago caalamku siinayey Dawladaha budhcadda la dagaalama ay oo ay kamid  tahay lafteedu.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed