|

Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Britain oo booqatay Muqdisho Kana Hadashay Arrimo aanay Somalidu Niyad u hayn

Muqdisho 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowladda Britain, Lynne Choona Featherstone oo  booqatay magaalada Muqdisho ayaa qaar ka tirsan wasiirrada xukuumadda Soomaaliya kala hadashay sidii loo xoojin lahaa xuquuqda haweenka iyo in la hubiyo in ay haweenku yihiin halbowlaha horumarka dalka.

kkLynne Featherstone, ayaa la kulantay wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye, wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane iyo wasiir ku-xigeenka caafimaadka, Axmed Aadan Axmed, sida lagu qoray bogga internet-ka ee dowladda Ingiriiska.

Lynne ayaa xustay in dowladaha Britain iyo Soomaaliya ay ka mideysan yihiin wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka sida; gudniinka fircooniga ah, guurka gabdhaha aadka u da’da yar iyo kan khasabka ah.

Waxay tilmaantay in tacaddiyada haweenka ay xitaa ka dhacaan dalka Ingiriiska, balse loo baahan yahay sidii loo joojin lahaa, iyadoo dowladda federaalka ku ammaantay dadaallada wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan dumarka.

Lynne oo sidoo kale kulan la qaadatay wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegtay in ay dowladda Ingiriisku sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo soo dhaweysay halka uu marayo qorshaha hiigsiga cusub ee Soomaaliya.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed