“Laascanood Dasturka Puntland ee aan ku dhaartay ayey ka mid tahay,gacantayada waan ku soo celinayaa Laascanod, In Afti laga qaado….” Madaxweyne C.weli Gaas
Garowe 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Maamul-goboleedka somaliyeed ee Puntland Cabiweli Maxamed Cali(Gaas), ayaa soo jeediyey in baahi loo qabo in afti ku saabsan cidda ay jecel yihiin inay raacaan laga qaado shacabka deggen Gobolka Sool oo maamulkiisu sheegto inuu ka tirsan yahay.
Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inuu si dhab ah u doonayo in shacabkaas la weydiiyo rabitaankooda si loo ogaado inay somaliland rabaan iyo Inay Puntland rabaan, waxana uu intaas raaciyey inuu soo dhaweynayo haddii ay Go’aan ku gaadhaan inay dhinaca somaliland jeclaystaan.
Waxa kale oo uu ka hadlay halka ay ku dambeeysay Hanjabadiisi ahayd in aanay gacanta Puntaland Laascanood kaga bixin faataxo isla markaan uu awood ku soo celindoonto haddii uu madaxweyne ka Noqdo Puntland.
Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu u warameyey Telefeshinka Afka Somaliga ku hadla ee la yidhado Somali Channal TV.
Madaxweyne Gaas yaa ugu horeyn la waydiiyey madaama uu markii oloolaha Madaxtinimada Maamulkiisa ku jiray ku dhaartay in uu Dib ugu soo celindoono Gacanta Puntland Laascanood oo uu hore u sheegay in aanay Laascanood Faataxo ku taggin kuna soo noqondoonin Faataxo balse uu awood ku soo celindoono halkii ay ku danbeeysay Hanjabadiisu. “Aniga Cabdiwali Ahaan Puntland ma dhisin ee waxan u imid iyada oo dhisan oo aan madaxweyne u noqday laakiin Laascanood Dasturka Puntland ee aan ku dhaartay ayey ka mid tahay sidaasi daraadeedna inta Maamulka Puntland aan madaxda ka ahay gacantayada waan ku soo celinayaa Laascanod mar labbadna waan kugu celinayaa hadalkaasi”Ayuu yidhi Gaas.
Cabdi wali Cali Gaas ayaa la waydiiyey Madama dadka reer Laascanood aan awood lagu haysan oo calanka Somaliland uu ka babanayo Laascaanod sababta uu ugu diidan yahay Masayrkooda ay ku doorteen in ay Somaliland ka mid noqdaan, Waxaanu kaga jawaabay “Anigu waxaan ogolahay in Afti laga qaado dadka reer laascaanod oo la yidhaahdo Ma Somaliland baad rabtaan mise Puntland anigu arrintaasi Raalibaan ka ahay laakiin siilanyo raali kama noqonayo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas oo ay marar badan meelo fagaare ah ka sheegay inuu Deegaannada Sool iyo qaybo sanaag kamid ahi ay ka tirsan yihiin Maamulkiisa, balse wali wax tallaabo ah oo uu deegaankaas kusoo farogelinayo ma uu qaadin.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com