|

“Saddexdii qoddob-ba xukuumaddu way fulisay oo waxa u dambeeya mashruucan biyaha ee aynu daah furayno” Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Laascaanood 31.Oct 2014 (SDN/QJ)- Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo ka mid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee gobolka Sool, ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ka soo baxday balan-qaadyadii Horumarinta gobolka la xidhiidhay, iyaguna ay lama huraan tahay inay ka soo baxaan oo ay garab istaagaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ka shaqaynaysa horumarinta dalka.

Garaadka-dhulbahante-300x280Sida uu ku soo waramay weriyahayaga gobolka Sool, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad balaadhan oo lagu daah furayay mashruuc ku kacaya hal milyan oo Dollar oo Magaaladda Laascaanood loogu hirgelinayo biyo macaan oo ay hirgelisay xukuumadda Somaliland.

Garaad Jaamac waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay u balan-qaaday inay wax ka qabato saddex qoddob oo ka mid ah horumarinta adeegyadda bulshadda, kuwaasi oo ay dhammaantood fulisay, waxaanu tilmaamay inay kala ahaayeen  balaadhinta iyo dayactirka  cisbitaalka Laascaanood, in biyo macaan loo soo saaro magaaladda Laascaanood iyo in jidad dhererkoodu 4km yihiin laga hirgeliyo gudaha magaaladaasi.

“Saddexdii qoddob-ba xukuumaddu way fulisay oo waxa u dambeeya mashruucan biyaha ee aynu daah furayno, markaa waa inaynu annaguna ka soo baxnaa oo garab istaagnaa xukuumaddan horumarinta gobolka Sool ka shaqaynaysa,”ayuu yidhi Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.

Garaadku waxa uu bulshadda Laascaanood ugu baaqay inay kaalin ka geystaan horumarinta gobolkooda isla markaana aanay dheg u dhigin kooxaha nabad-gelyo darrada la doonaya.

Laas caanood SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed