|

Wasiir Samaale oo u adkaysan Waayay Dhaliilaha Mudanayaasha Mucaaridku u Jeediyeen Madaxweyne Siilaanyo DAAWO

Hargaysa 30.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa sheegay in aanay xukuumaddu ku mashquulaynin inay u jawaabto siyaasiyiinta mucaaridka ah ee caadaystay aflagaadeynta Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu axsaabta mucaaridka ah ugu baaqay inay bulshadda u soo bandhigaan wax u cuntama.

Wasiir Samaalle, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad  lagu qabtay xarunta akhriska ee  Maxamed Mooge ee magaaladda Hargeysa oo ay  ku soo bandhigeysay Akhris Wadareed lagu shaacinayay  buug laga qorey aabihii 2-aad ee waxbarashada Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum-Yuusuf Xaaji Aadan,   ayaa waxaa uu sheegay in xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo garab taagan tahey dhallinyaradda, kana shaqaynayso horumarinooda.

Wasiirku waxa uu sheegay in aflagaadooyinka ashkhaasya caadaystay cayda madaxweynaha aanay isku mashquulinaynin u jawaabistooda, hase yeeshee ay wax-qabad iyo horumar kaga jawaabi doonaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed