|

“Dawladdan Kulmiye ha ogaato in hantiddii ummadda ee lagu aaminay inay boob qaawan ugu badheedhay” Murashax Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 30.Oct 2014 (SDN/QJ)- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku eedeeyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay hantidii ummadda ee lagu aaminay inay boob qaawan kula kacday, isla markaana waxa uu uga digay Ganacsatada reer Somaliland ciddii la siiyo hantida ummadda sifo sharci-darro ah in lagaga daba-tagi doono.

Jamaal-CALI-XuseenJamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook-ga,isaga oo dhameystiran waxa uu u dhignaa sidan:

“Somaliland waa dal danyar ah loomana ogolaan doono in dadka dalka talladiisa haya ay boobaan hantidii Ummadda ee iyaga lagu aaminay.

Waxaanu ganacsatadda uga digaynaa qofkii la siiyo hanti ay ummaddu leedahay oo sifo sharci daro ah u qaata in lagaga daba iman doono, oo ay iyaga laftigooda ku haboon tahay inay ka waantoobaan.

Dawladda Siilaanyo way tegi doontaa oo dawlad kale ayaa iman doonta inshallah (ama UCID ha noqoto ama Waddani ha noqotee), dawladaasina kolay wixii hanti ummadda ah ee la boobay waa lagaga daba tegi doonaa kuwa boobay.

Dawladdan Kulmiye ha ogaato in hantiddii ummadda ee lagu aaminay inay boob qaawan ugu badheedhay.Ganacsatadda Somaliland ee sharafta leh ee shillinkooda xalaal ku helay inaanay iska kharibin oo indhaha dadka isku soo jeedin.

UCID siyaasadeeddu waa in hantidda ummadda la ilaaliyo; iyo weliba anagoo si xoogan ula shaqeyn doona Ganacsatadda dalka oo dhan ku yar iyo ku weyn si uu ganacsigoodu u kori lahaa maadaama ay yihiin iyagu kuwa shaqooyinka abuura.

Shakhsiyaadka xukuumadda ka tirsan ee iyaguna guriyaha dibadda ka dhisanaya ee ku kibraaya xoolaha ummadda ha ogaadaan in Ilaahay, Ummadda, iyo anaguba aanu isha ku hayno. Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo”.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed