|

Bulshada Rayidka ah ee Puntland Oo Soo Saaray Qodobo Ku Saabsan Dimuqraadiyaynta

Garoowe Oct 30,2014(SDN/QJ)-Shalay waxaa wakiillo ka socday bulshada rayidka ah ee Puntland u soo gaba gaboobay shir hal maalin ah oo lagu soo bandhigayay daraasaad ku saabsan geeddi socodka Dimuquraadiyada Puntland, shirkaasi oo lagu qabtay Xarunta horumarinta iyo cilmi baarista Puntland (PDRC) haddaba dood iyo falanqeyn kaddib wakiillada bulshada rayidka ah waxa ay soo jeediyeen qodobada hoos ku qoran.

  • ka qeybgalayaasha shirku waxay qirayaan in daraasadda (PDRC) ay sameysay hannaanka dimuqraadiyaynta Puntland ay wax badan ka tari karto sidii loo sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dimuqraadiyaynta.
  • Bulshada rayidka ah ee Puntland waxay ugu baaqeysaa madaxweynaha dowladda Puntland mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo laamaha kale ee dowladda ee ku shaqada leh in ay dadajiyaan dhismaha guddiga Doorashooyinka ku-meel-gaarka ah  iyo magacaabida xubnaha maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland si loo dar dar geliyo geeddi-socodka dimuqraadiyaynta islamarkaana waqti ku filan loogu helo fulinta qorshe howleedka doorashooyinka ( Electoral Roadmap).
  • Bulshada Rayidka ah ee Puntland waxay balan qaadeysaa in ay kaalin mug leh ka qaadaneyso dadaalada dimuqraadiyaynta iyo in ay la timaado qorshe cad oo mideysan kuna saabsan kaalintooda marka la unko guddiga Doorashooyinka ku-meel-gaarka ah ee Puntland.

 

SDN/QJ-Garoowe

contact@qurbejoog.com

Comments are closed