Baqdin Ku Wajahan Qaraxyo Argagixiso oo ka Taagan Caasimada Maraykanka ee Washington iyo Amaanka oo la adkeeyay
Washington 30.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xukuumadda waddanka Maraykanka ayaa Baahisay in si weyn loo adkeeyey ammaaanka Goobaha muhiimka ah eek u yaalla Magaalada Washington, maadaama la helay xogo dhiilo leh.
War kasoo baxay Waaxda arrimaha dibadda Dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in la qaadayo tilaabooyin taxadar ku dheehan yahay si looga hortagi lahaa weeraro iyo dhibaatooyin kale ay sheegeen in ay maleegayaan Kooxo Argagaxiso ah.
Dowlada Mareykanka ayaa ku warantay in talaabadan loo qaadayo kadib markii ay soo baxeen Hanjabaadyo ka imanayay kooxaha Argagaxisada ah kuwaa oo doonaya in ay weeraro ka fuliyaan goobo Muhiim ah oo kuyaala Magaalada Washington.
Magaalada Washington waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto cabsi xoogan, waxaana Laamaha amaanka ee Magaaladaasi ay ugu baaqeen mulkiilayaasha iyo maamuleyaasha goobaha muhiimka ah iyo shacabka in ay taxaddar muujiyaan.
Dowlada Mareykanka ayaa ka cabsi qabta in taageerayaasha Xoogaga Daacish ee ka Dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya in gudaha dalkaasi ka geystaan Weeraro lamid ah kii dhawaan lagu weeraray Xarunta Baarlamaanka Dalka Canada.
Ururka Daacish, ayaa taageerayaal Badan waxa uu ku leeyahay Dalalka Koonfurta America, waxana muddooyinkii dambe dad xag jir ah oo la dhacdan fikradaha ururkan lagu arkay Meelo ay Canada ugu badan tahay.
Washington SDN/QJ
contact@qurbejoog.com