|

Mudane ka Tirsan Golaha Guurtida oo Ka Hadlay Aragtidooda Khilaafka Wakiilada DAAWO

Hargaysa 29.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan Dayib Xasan Axmed, oo ka tirsan Mudanayaasha Guurtida ayaa ka hadlay xeerka golaha Wakiiladda muranka ka dhaliyay ee ay u soo gudbiyeen aqalka odayaasha o uu tilmaamay in aanay guurtidu xaq u lahayn in ay xeerka celiso balse ay waajib u lahaayeen in ay wax ka bedel iyo kaabis labadaba ku sameeyaan ama wada diidaanba marka ay ka doonaan.

Waxaa kale oo uu talo ugu soo jeediyay mudanayaasha wakiilada in ay arrimahooda si hoose u dhamaystaan isal markaana ay ka xshoodaan yooyootan iyo muran ay warbaahinta isu soo fadhiistaan

Muranka u dhexeeye Xildhibaanada Xukumadda taabacsan iyo kuwo Mucaaradka ah ayaa wali taagan mana jirto cid ilaa hadda wax waan-waan ah ka dhex wada.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

 

Comments are closed