|

Arrimaha ay ka Wada Hadleen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxda Somalia intii uu ku Sugnaa Muqdisho

Muqdisho 29.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo maanta booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa kulammo la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo dabcan khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha u dhexeeyaa ka mid yahay.

XOGHAYAHA-GUUD-EE-QARAMADA-MIDOOBAY-IYO-MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYABan Ki-Moon iyo Wefti uu hoggaaminayo ayuu Madaxweynuhu ku qaabbilay Muqdisho, Weftigaas oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka Jim Yong Kim, kuwaas oo Muqdisho u yimi hawlo shaqo.

Weftiga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, ayaa markii ay soo gaadheen garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Caasimadda Muqdisho, waxaa halkaas ay salaam-sharaf kaga qaadeen Cutubyo ka tirsan Ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM eek u sugan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, halka Kooxda Booliska ee Baambeyda ay Muusik ku soo dhaweeyeen, iyadoo ay hallaasi ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan labada Xukuumadda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya sida diiran ee uu ugu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in tani ay u tahay booqashadiisa labaad ee uu dalka ku yimaado, kaddib saddex sano oo uu dalka ka maqnaa, isla markaana ay wax badan iska badaleen, ayna kala duwantahay sanadkii 2011-ka.

Ban Ki-Moon oo ka hadlayaa waxa uu yiri; “Waxaan xambaarsanahay labo fariimood, tan kowaad waxaan ognahay siyaasadda, dowlad wanaagga, amniga iyo horumarka wax badan oo la taaban karo ayaa iska badalay, tan labaad Qaramada Midoobay, Bankiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan.”

Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, anigana waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida inaysan keligood ahayn iyo inaan laballaabi doono dadaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaaray sannadihii dhowaa.” Sidaa ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Madaxweynaha Kooxda Bankiga Adduunka, Jim Yong Kim oo isna kulanka hadal kooban ka jeediyay waxa uu yiri; “Kalaguurka Soomaaliya waa fursad aan lahayn wax loo dhigo oo ay dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrikaba sare ugu qaadaan hab nololeedka dadka iyagoo ka qaybgelinaya hawlaha wax soo saarka dhaqaalaha. Xasillooni siyaasadeed iyo amni dadweynaha waxay shuruudo muhim ah u yihiin yareynta saboolnimada xad dhaafka ah iyo kordhinta barwaaqo ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed.”

Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo isna kulanka ka hadlay, waxaanu yiri; “Soomaaliya 22 sano kahor waxa ay soo martay dhibaatooyin laga dhaxlay dagaallo sokeeyo, maantana waxaa socda dhismaha Maamul goboleedyo si dalka looga hirgeliyo nidaamka federaalka ah, waxaana ku rajo weynahay 2016-ka in dalka uu ka dhaco doorasho.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in ay tahay wax lagu farxo booqashada wafdiga heerka sare ay maanta ku yimaadeen Muqdisho.

“Ku soo dhawaada Muqdisho tani waxa ay noo tahay farxad weyn, in Muqdisho aad timaadaan waxaa suurta geliyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo ku guuleystay sugidda iyo xaqiijinta amniga, waxaana idinka rajeyneynaa in aad wax badan qaban doontaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Kulanka ayaa waxaa Dowladda iyo Qaramada Midoobay ay ku kala saxiixeen heshiis wada shaqeyn oo si toos ah u dhexmari doona Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Booqashada wadajirka ah ee heerka sare ayaa imanaysa waqti muhim u ah Soomaaliya oo hadda guulo la taaban karo ee xagga amniga ah ka gaaraya dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, horeyna u sii wada dib u habayn siyaasadeed oo lagama maarmaan ah oo ujeeddadeedu tahay in doorashooyin qaran la qabto sannadka 2016.

Weftigu waxa sidoo kale ka mid ah Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali, iyo wakiillo sarsare ee ka socda Bankiga Horumarinta Afrika, Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed