|

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wefti uu Hogaaminayo oo Muqdisho Booqasho ku Yimid

Muqdisho 29.Oct 2014 (SDN/QJ)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, maanta ka degay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,

bankimoon_7Booqashada wadajirka Weftiga uu hoggaaminayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ay ku tageen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,ayaa la xidhiidha sidii ay dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay uga wada hadli lahaayeen hirgainta nidaamnak Federaalka iyo u samaynta maamulada cusub ee gobolada Soomaaliya oo ay ka hadleen Weftiga uu hoggaaminayo Ban Ki Moon.

“Qaramada Midoobay iyo Bangiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, aniguna waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida in aanay  keligood ahayn iyo inaan la billaabi doono dedaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaadhay sannadihii dhowaa,” ayuu yidhi Ban Ki-moon.

“Kala guurka Soomaaliya waa fursad aan lahayn wax loo dhigo oo ay dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrikaba sare ugu qaadaan hab nololeedka dadka iyagoo ka qaybgelinaya hawlaha wax soo saarka dhaqaalaha,” ayuu yidhi Xoghayaha Qaramada Midoobay waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata.

“Xasillooni siyaasadeed iyo amni dadweynaha waxay shuruudo muhim ah u yihiin yareynta saboolnimada xad dhaafka ah iyo kordhinta barwaaqo ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed.Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, iyagoo la kaashanaya saaxiibada kale ee hawsha la wadaaga, waxaa ka go’an inay dardargeliyaan barnaamijyada ay ka wadaan dalka gudihiisa si ay u taageeraan ujeeddooyinka siyaasadeed, amni iyo kuwa horumarineed ee Soomaaliya, sida ku qeexan Heshiiska “Hiigsiga Cusub” ee lagu heshiiyay sannadkii hore. Geeddi-socodka nabadaynta iyo sare u qaadidda kaalmada caalamiga waxay u baahnaan doonaan dedaal loo wada dhanyahay oo hufan oo ay bixiyaan dadkoo idil.

Comments are closed