Muddo-xileedkii Komishanka Qaranka Oo Maanta Ku Eg iyo Xukuumadda Oo Wali Hortaagan in Mid Cusub La Ansixiyo
Hargeysa:Oct,29,2014(SDN/QJ)-Muddo-xilleedkii Komishanka qaranka somaliland, ayaa ku eg maanta oo ay taariikhdu tahay 29-ka Bisha Tobnaad, waxana wali dalku ku jiraa xaalad komishan la’aan ah, iyadoo Xubnnaha baarlamaanku amar dhinaca madaxtooyada kaga yimi isku hortaagay Ansixina Xubnihii dhawaan la yab yabay.
Muddo xileedka Komishanku inkastoo ay maanta ku egtahay, haddana waxa shaqadii ay hayeen iska sii wata Komishankii hore, waxana aan muuqan saansaan la aamini karo oo komishanka cusub lagu ansixin karo, maadaama aanay xukuumadda ka muuqan wax diyaar garow ah oo arrintaas la xidhiidhaa.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa isagu horraantii bashan isa soo dhaafiyey Xubno toddoba ah oo uu ugu talo galay inay noqdaan Komishanka qaranka ee soo socda, waxase diiday inay ansixiyaan xubnaha Komishanka qaranka, kadib markii ay xukuumaddu saluugtay in labada doorasho ee madaxtooyada iyo baarlamaanka isku mar la wada qabto.
Xukuumadda, ayaa geed dheer iyo mid gaaban ba u fuushay sidii aan loo ansixin lahayn komishanka cusub, waxana taasi keenaysayaa inay Dib u dhacaan Doorashooyinka madaxtinimada ee dalka ka qorshaysan Sanadka soo socda.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu goor horeba wareegto ku joojiyey shaqada komishankii hore, waxase ay wali yihiin qaar ku jira shaqadoodii oo fadhiya xafiisyadoodii, ilaa iyo haatan waxa maqan ciddii beddeli lahayd.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu hore u sheegay inaanu diyaar u ahayn in muddo kordhin loo sameeyo, balse waxa muuqata in kooxo dano gaar ah oo aan madaxweynaha sharaftiida ka fikirayni ay doonayaan inay sii wataan Boobka hantida qaranka, kuwaas oo hoosta ka riixaya in doorashadu dib u dhacdo.
Madaxweynaha oo isagu xilligii uu mucaaridka ahaa si weyn uga gilgilan jirey muddo-kordhinta, ayaa haatan muujiyey inuu wali halkii taagan yahay,balse waxa uu meel uu maro la la’yahay kooxaha saamaynta ku leh xukunkiisa ee madaxtooyada ku xeeran, waxana kuwaasi ay caadaysteen inay qaranka mar walba geliyaan muran iyo khilaaf aan dalku u baahnayn.
Golaha Baarlamaanka oo aqlabiyadoodu taageersan tahay Madaxtooyada, ayaa wali sii wata xumaanta iyo taariikhda Madaw ee ay gashadeen diiwaanka lagu qoro Dhaxalka ay bulshada uga tegayaan, waxana aan rajo buuran laga qabin inay ka talin doonaan danta qaranka iyo midda Bulshada.
Deeq bixiya-yaasha caalamiga ah oo si weyn u dhawraya in la ansixiyo komishanka qaranka, ayaa dhawaan dalka iman doona, waxana la filayaa inay madaxtooyada ku canaanan doonaan dib u dhaca iyo dayaca ka muuqda qabashada doorashada ee xilliga loo asteeyey.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa isagu intii uu xukunka Hayey waxa uu dalka ka hirgeliyey doorashadii deeganka, waxana ka dhashay muran iyo is qabqabsi keenay inay dad geeriyoodaan, waxana aan kalsooni badan laga qabin inuu mid kale oo caafimaad qabta qaban karo.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com