|

Uganda Oo Ciidamo Cusub Usoo Diraysa Somalia iyo Goobaha La Geynayo Oo La Shaaciyey

Muqdisho:Oct,29,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda waddanka Uganda, ayaa gudo gashay inay Beddesho qaar kamid ah ciidankeeda somalia ku sugan, waxana ay taas beddelkeeda soo waddaa ciidamo cusub oo haatan dalka Somalia imanaya.

dhulCiidamad cusub ayaa waxa ay ka howlgalayaan dekeda,madaxtoyada,xarunta baarlamaanka iyo wasaaradaha dowlada Federalka sida uu sheegay taliyaha ciidamada dalka Uganda General Katumba Wamala, said.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda ayaa sheegay in askarta la geynayo Soomaaliya ay tababaro gaar ah siiyeen macalimiin Maraykan iyo Faransiis isugu jira.

Askarta la bedelayo ayaa waxaa ka mid ah ciidamadii ka qeybgalay howlgaladii Badweynta Hindiya ee dhowaan lagula wareegay degmada Baraawe iyo deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Dhowaan ayaa taliyaha ciidamada gaarka ah ee dalka Uganda waxa uu soo booqday ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ee ku sugan gobolka Banaadir iyo gobolka Sh/hoose.

Illaa hadda lama oga sababta keentay in la bedelo ciidamadan iyadoo dhowaan dib loo dhigay ciidamo ka mid ah AMISOM gaar ahaan dalka Siera Leone kuwaasoo la doonayay in la keeno wadanka Soomaaliya kadib markii lagu arkay mid kamid ah ciidamadaas cudurka Ebolaha.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed