|

“Madaxweynaha ayaa raba inuu dib u dhigo wakhtigii Doorashooyinka,Sababtuna Waa Caafimaadkiisa” Gudoomiyaha Madasha Wada Tashiga DAAWO

Hargaysa 28.Oct 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa waxa uu ku eedeeyey madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) inuu doonayo inuu dib u dhigo wakhtigii doorashooyinka soo socda la qaban lahaa,isla markaana waxa uu ku sifeeyey khilaafka cakiran ee ka dhex aloosan Golaha Wakiillada Somaliland inuu madaxweynuhu ku doonayo muddo kordhin.

Xasan Guure Jaamac waxa uu sidaa ku sheegay mar uu qaar ka mida Warbaahinta kula hadlayay maanta Magaalada Hargeysa, waxaanu yidhi “Madaxweynaha ayaa raba inuu dib u dhigo wakhtigii Doorashooyinka, sababta dib u dhigista ku jirtaana ay tahay madaxweynaha Caafimaadkiisa waad ka dheregsan tihiin”

“Anaga (Madasha wadatashiga) nagumay cusbayn in Golaha baarlamaanku isku iman waayo iyo in Khilaafku daba dheeraado.markii madasha aanu iskugu nimi waxaa noo muuqanayay inay tani dhici doonto, sababta ay u dhacaysaana waxa weeye Madaxweynaha oo raba inuu dib u dhigo wakhtigii doorashooyinka,u jeedada iyo saldhiga khilaafkuna waa kaas.”.Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed