Jaaliyada Somaliland ee Sheffield oo soo dhawayn balaran u sameyey Wasiirka Ganacsiga Somaliland iyo Afhayeenka Madaxtooyada halkan ka daawo sawirada
London 19Oct14(SDN/QJ) Jaaliyada Somaliland ee Shaffield ayaa soo dhawayn balaran u sameyey wasiirka ganacsiga Dr Muuse Qaasim iyo Afhayeenka Madaxwaynaha Axmed Saleeban Dhuxul kulankan oo ay ka soo qayb galeen Councillor Maxamed Marouf Adam Sawahili oo ah gudoomiyaha Jaliyada Isra Xussen ALisxaqi kulanka waxa wasiirku uga mahad celiyiey Jaaliyada somaliland ee sheffield aqoonsiga somaliland ee golaha deeganka shaffield ka gaystay isaga wasiirku uga mahad celiyey Counsillor Maxamed Marouf ,Dadaalka uu ka gaystay aqoonsiga somaliland iyo xubnaha jaaliyada Shaffield,isaga oo wasiirku u cadeyey in Madaxwaynaha Somaliland uu yahay Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga kulmiye ee dorashada soo socota .afhayeenka Madaxtooyada Axmed saleebaan dhuxul ayaa dhinaciisa uga mahad celiyey jaaliyada Shaffield kuna faraxsan yahay inuu maanta horjoogo goobtii aqoonsiga laga tagay waxana aad uga mahad celiyey dhamaan jaaliyada reer somaliland ee Uk sida ay isugu duban yihiin iyo siday u ilaaliyaan jiritaanka somaliland isaga oo goobta uga mahad celeyey jaaliyada shaffield soo dhawaynta ay maanta ku soo dhaweyeen Shaffield kulanka ayaa waxa ku soo gaba gaboobay si heer sare oo aad iyo aad u qiimo leh .
Halkan ka daawo sawirada kulankii maanta.
xafiiska wararka qurbejoog London