Dil iyo Xadhig Maxkamadda Ciidammada Somaliland ay riday Askar ku eedaysan dilka 2 Sarkaal ee Qorilugud
Hargaysa 19.Oct 2014 (SDN/QJ)- Maxkamadda Derajada Koowaad ee Ciidammada Qalabka sida ee Somaliland ee gobollada Galbeedka, ayaa Xukunno Xadhig iyo dil isugu jira ku ridday Askar ka tirsan Ciidanka Millateriga Somaliland, kuwaasoo ku eedaysnaa dilka laba Sarkaal oo Ciidanka ka tirsanaa, kuna sugnaa Xerada Ciidanka ee deegaanka Qori-lugud iyo dhawr Askari oo ku eedaysnaa fududaynta dilkaas.
Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland ee gobollada Galbeedka dalka Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmaarke, ayaa maanta oo Sabti ahayd ku dhawaaqay Xukunka Maxkamaddu ridday, kaasoo uu sheegay inay Maxkamaddu gaadhay markii ay muddo toddobaad ah socotay Dacwaddoodu.
Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada Koowaad ee Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Somaliland ee gobollada Galbeedka oo Qoraal uu Warbaahinta u akhriyey ku Sharraxaya Xukunka ay Maxkamaddu ku ridday Askartaas eedaysanayaasha ahaa wuxu yidhi;
“1. Gacan ku dhiigle Faarax Maxamed Ismaaciil waxay Maxakamaddu ku xukuntay Dil. 2. Laba Xadhigle Carraale Muuse Cabdi oo lahaa Heeganka Xerada Dilku ka dhacay Toddoba sano oo xadhig milatari ah.
- Dable Cabdi Cawal Maxamed oo ahaa kamaan-boostihii waardiyaha ahaa sideed sano oo xadhig Milatari ah. 4. Dable Faarax C/laahi Maxamed oo ahaa Askarigii qorigiisa Dilka lagu fuliyey shan iyo toban sano oo xabsi Milatari ah.
- Dable Khadar Xasan Ismaaciil waa Askarigii silsilada ka furay gacan ku dhiiglaha oo maxbuus ahaa ka hor intaanu Dilka geysan waxaana lagu xukumay Toban Sano oo Xabsi Milatari ah Hase yeeshee waxa ay Maxkamadda Ciidanku xorriyadiisa u celisay Dable Khadar Axmed cawil kadib markii Danbi lagu caddeyn waayey, halka Gacan ku dhiiglaha oo maqan ay kaga xukuntay Dil.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada Koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland ee gobollada Galbeedka Gaashaanle Sare Yuusuf Faarax Sharmaarke.
Hargaysa SDN/QJ