Boko Xaram iyo Nigeria Oo Heshiiyey iyo Xaalka Hablihi Aduubnaa Oo War Fiicani Kasoo Baxayo
Lagos:Oct,18,2014(SDN/QJ)-Dawladda Ka Arrimisa Dalka Nigeria, ayaa sheegtay inay Heshiis xabad joojin ah la gaadhay Kooxda Mayalka adage Ee ka dagaallanta Waqooyiga Nigeria ee magaceedu yahay Boko Haram.
Caawiyaha madaxtooyada Hassan Tukur ayaa sheegay in heshiiska ay ku jiraan siideynta in kabadan 200 oo gabdho iskuuley ah oo Boko Xaraam ay qafaasheen lix bilood ka hor.
Waxa uu intaa ku daray in heshiiskan la gaadhay kaddib isbuucyo wada xaajood ah oo ay dhexdhexaadineysay dowladda Chad, wuxuuna xaqiijiyay inay jiri doonaan wadahadalo dheeraad ah oo looga hadlayo qaabk loo siideynaayo gabdhaha.
Ma jiro war ka soo baxay ururka Boko Xaraam illaa iyo hadda, waxase xusid mudan in ururkani in muddo ahba uu joojiyey weerarradii gaadmada ahaa ee uu ku hayn jirey Dawladda Dalkaas, taas oo keentay tuhun ah in labada dhinac isku soo dhawaadeen.
SDN/QJ