Xarun Lagu Karantiimo Dadka Ebolaha Qaba Oo Muqdisho Laga Furayo
Muqdisho:Oct,18,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Midowga Afrika ayaa sheegaya in Muqdisho laga furi doono Goob lagu karantiimeeyo dadka qaba xanuunka Ebola, iyadoo xaruntaasina noqon doonto Gudaha Taliska Ciidamada AMISOM.
Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sadiiq ayaa sheegey in xaruntani la geyn doono haddii ciidamada nabad illaalinta midkood laga helo cudurka Ebola si markiiba loo xakameeyo faafista cudurka Ebola oo aanan dawo lahayn.
Safiirka ayaa ka hadlayay ciidamo la sheegey in ay cudurka Ebola qabaan oo ka iman lahaa dalka Sierre Leone kuwaasi oo haatan xarun karantiil lagu hayo.
Wali ma ay dhicin in qof Somalia ah laga helo xanuunkan, waxana haatan jira warar laga qabo inuu xanuunku u soo gubdo dhanka Somalia, maadaama ay halkaas joogaan ciidamo ka kala socda waddamo uu xanuunkani ragaadiyey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com