|

Nin Kamid ahaa Rag Gawracay Oday Waayeel ahaa Oo Lagu Qabtay Barawe

Barawe:Oct,18,2014(SDN/QJ)-Nin kamid ahaa rag Hubaysan oo oday waayeel ah ku gawracay Deegaanka deegaanka Barawe ayaa waxa shalay gacanta kusoo dhigay ciidamada Huwanta ah eeku sugan deegaankaas.

ssssssXoogaga Shabaabka, ayaa hoygiisa saqdii dhexe ee habeen hore kala baxay Oday Dhaqameedkaasi, waxayna ku gowraceen meel aan sidaasi uga fogayn hoygiisa, waxayna u muuqatay mid lagu baqdin gelinaayay dadka deegaanka.

Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Ammaanka ee Degmada Baraawe Cali Nuur Maxamed, ayaa wuxuu  xaqiijiyay in mid ka mid ah raggii falka gowraca geystay, ay shalay ka soo dhex qabteen Degmada Baraawe.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa tibaaxay in ninkaan lagu soo qabtay hawlgal laga fuliyay Degmadaasi, isla-markaana ay xilligan gacanta ku hayaan dhagar qabaha.

Cali Nuur Maxamed oo wareysi siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu intaa ku daray in xubnaha gowraca geystay ay ka tirsan yihiin mintidiinta Ururka Al Shabaab, kuwaa oo 5-tii bishan laga qabsaday gacan ku haynta Degmada Baraawe.

Dhanka kale tallaabada lagu gowracay Odaygan, ayaa waxay baqdin badan ku beertay bulshada ku nool Degmada Baraawe, waxayna si weyn u hadalhayaan falka foosha xun leh ee Degmadooda laga geystay.

Waaliga Gobolka Shabeellaha Hoose ee Ururka Al Shabaab Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla, ayaa wuxuu hore ugu hanjabay inay tallaabo adag ka qaadi doonaan dadka ku dhaqan Degmada Baraawe, haddii ay wada shaqayn la yeeshaan Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed