Muqdisho Oo Loo Sameeyey Ciidamo Gaar u ah Ilaalinta Goobaha Shacabku Iskugu Yimaaddo
Muqdisho:Oct,17,2014(SDN/QJ)-Wasaaradda Amniga qaranka Somalia ayaa ku dhawaaqday inay samaysay Ciidamo boolis ah oo gaar u noqon doona Goobaha shacabku iskugu yimaadaan.
Wasiirka Amniga Khaliif Ereg, ayaa samaynta ciidankaas ku sheegay sidii looga hortegi lahaa, ama loo yarayn lahaa Qaraxyada Qorshaysan ee Kooxa Shabaabku ka Geysanayaan Magaalada Muqdisho, waxana uu dadka usoo jeediyey inay Feejignaan Muujiyaan.
Wasiirka oo gelinkii dambe ee shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidanka Dowladdu ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Shabaabka, ayna ka difaacaan shacabka Somaliyeed ee waxyeelada ay u geysanayaan, meel kasta oo ay tahayba.
Wuxuu ka dhawaajiyay markii Shabaabka laga qabsaday dhulkoodii ugu muhiimsanaa inay bilaabeen xasuuq ka dhan ah shacabka Somaliyeed, wuxuuna tani ku macneeyay dagaal ka dhan ah dadka kuwooda ugu nugul.
Waxa kaloo uu sheegay in Dowladda Somaliya ay ogeyd in Shabaabku ay waxyeelo u geysan doonaan shacabka Somaliyeed, laakiin ay hadda iyagu isu qireen, iyadoona ay cadayn u tahay weerarada maqaaxiyadaha, sida uu tilmaamay.
Wasiirka, ayaa ku faanay inay hayaan xuuraan ku aadan Shabaabka, qaarkoodna ay daba-gal ku hayaan, isla-markaana ay la socdaan waxyaabaha ay samaynayaan. Ayna isu deyi doonaan inay gacanta ku soo dhigaan.
Ereg, ayaa wuxuu xusay inay dhici karto weeraro ismiidaamin ah inay Shabaabku ka geystaan Magaalada Muqdisho, iyadoo uu qiray inaanay ka hortaggi karin nin is dilaaya, balse ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen weerarada Al Shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com