|

Gacan ka Hadalkii Muuse Biixi & Xildhibaan Rayre,Weedhihii la is dhaafsaday,Maxaa la isku afgartay Warbixin Xiiso badan.

Hargaysa 17.Oct 2014 (SDN/QJ)- Kadib markii Xukuumada oo kaashanaysa Ciidanka RRU ay Shalay Joojiyeen Qabashada Xuska Shuhadada is maandhaaf adagina soo kala dhex galay Siyaasiyiin Madasha Wada Tashiga ah iyo Ciidanka ayaa duqay samo talis ahi u soo Jeediyeen Siyaasiyiintan inay Meel kale Xafladooda ku qabsadaan si aan la isugu dhicin.

Weriye ka Tirsan Shabakada Qurbejoog.com oo Goobtaasi ku sugnaa ayaa Warbixintan ka diyaariyay Heerka is faham waa’a ee ka aloosmay qabashada Xuska Shuhadada,Saaxiibo ku Coloobay Siyaasada oo Miis wada fadhiistay luuqad adagna ku wada hadlay, Xaraaradii Sheekada oo gaadhay Gacan ka hadal,Sidee ayuu Gudoomiyaha Kulmiye uga hadlay Sahra Halgan iyo arrimo kale oo Xiiso leh.

Markii Mujaahidiinta ka qayb galka Xuska loo diiday inay Huteelka Hido Dhawr ay Galaan waxay u hogaansameen dalabaadkii Waayeelkii Wajahada hore ee Huteelka ku sugnaa u soo Jeediyeen inkasta oo laga dareemayay inay ku adag tahay ka noqoshada Goob la isku xasuusinayo Halyeeyo dhiigooda ugu deeqay Xornimada Maanta lagu wada hadlayo.

Xubnihii Madashu waxay markaas kadib u baqooleen mid ka mid ah Huteelada Xaafada Shacabka Xaaladu waxay maraysaa Meel adag waxaa ka go’naa inay qabtaan Xuska Maytida dushooda lagu murmayo Waxaa Goobtii huteelka soo gaadhay si uu arrinta uga odayeeyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi waxaa halkaas ku Sugnaa Siyaasiyiinta kala ah Xasan Guure,Ibraahin Dhego weyne, Maxamed Xaashi, Cali Guray,Xildhibaan Rayte iyo Xubno kale.

reyte

Maxaa dhacay Markaas Kadib.

Waa la wada shaaheeyay,Saxaafada labada dhanba way joogtay Hasa yeeshee waxaa laga Codsaday in aanay Sheekada Caadiga ah duubin, Waxaa Bilaabmay kaftan aan waxba la isu hambayn ,Wuxuu Weerarku ku badnaa Gudoomiye Muuse oo Gol jilic badan ay u heleen Saaxiibadiisa Siyaasadu kala fogaysay .

Gudoomiye Muuse Biixi oo dareensan in Khalad Jiro ayaa Gantaalaha Saaxiibadii uga imanayay kaga hal celinayay dhoola cadayn iyo Kaftan oday-nimo,Wuxuu u sheegay Mas’uuliyiintii goobtaas ku Sugnaa in arrinka cagta loo dhigo oo ay ka wada hadlaan Wixii tabasho ah ee Jira si ay Xal uga wada gaadhaan.

Hasa Yeeshee Gudoomiye Muuse ayaa waxaa afkiisa ka soo baxay hadal bedelay Jewigii Haasaawaha isagoo yidhi “Waar idinka waan idiin garaabayaaye inantan Sahra Halgan Xagay Taariikhda SNM iyo Halgankeeda ka soo gashay Cajab”.

Xildhibaan Rayte ayaa is hayn waayay oo yidhi “ Taasi Totali waa Khalad ma Keligaa iyo inteena halkan fadhida ayaa SNM ah ma waxaas ayaynu ku wada hadlaynaa” Mar kale ayaa Muuse Biixi oo Ilka cadaynayaa waxa uu ku Tiraabay “Mudane adigu dee Waddani ayaad ahayd” Xildhibaan Rayte ayaa kaga jawaabay “ Dee Waa run adiguba Kulmiye ayaad tahay Ma Ceebaa,Siyaasina waad tahay ee isu fiirso”.

Gudoomiyah Kulmiye ayaa isagoo dhabanada haysta ku yidhi “ Siyaasadii kan oo kale ayay isu kaayo keentay”.

Xildhibaan rayte waxaa ka lumay kaantaroolkii Kubaayad amase Koobka shaaha oo uu Gacanta ku haystay ayuu laabta kaga dhuftay Gudoomiye Biixi,Miiskii u dhexeeyay iyo wixii saarnaaba xaga kale ayay isu rogeen,hasa yeeshee gacmaha la islama gaadhin waxaa labadii oday midba dhinac u jiiday Xubnihii Madasha ee Goobta ay wada fadhiyeen, Xildhibaanka xaga albaabka ayaa loo Jiiday.

Mujaahid Cali Guray oo in door ahba hadalku cudhayay ayaa Cod xanaaq ka Muuqdo iyo hadal aan Xiiq tirasho lahayn isu daba dhigay dhaliilo uu u hayay Gudoomiye Muuse isagoo ku Yidhi Odayadii goobta fadhiyay “Walaahi Inagaaba waalan ma ina Biixi-gan (Gudoomiyah Kulmiye) ayaynu wada hadal la galaynaa sawtii laga dul guuray,Ciyaalkii talada maamulayay ayaa in lala hadlo u baahan, Muxuu goyn karaa tiisii ayaa lagu haystaaye,Waa ninkii aynu xaqiisa u hadlaynay waar naga taga” ayuu Cali Guray yidhi isagoo Toos u qaabilay albaabkii uu Xildhibaan Rayte ka baxay.

Lama Yaabayoo Waa Cali Guray waanu is naqaanaa kkkkk” ayuu Gudoomiye Biixi kaga tiraab celiyay Weedhaha Kulul ee Cali Guray ka soo burqanayay.

Intaas wixii ka danbeeyay Saxaafada oo Wehel u ahayd Xubnahan kala afkaarta duwan ayaa laga codsaday inay isu daayaan Gudoomiyah Kulmiye iyo Siyaasiyiinta Madasha wixii wada hadalkooda ka soo baxana u soo gudbin doonaan warbaahinta.

Gunaanadkii Sheekada Maytida dushooda lagu murmayo iyo Xalka ay wada gaadheen labada dhinac

Gudoomiyah Madasha wada tashiga Xasan Guure ayaa Gaba gabadii Kulankaasi Saxaafada huteelka barxadiisa ugu sheegay inay Gudoomiye Muuse isku afgarteen in Shalay Galab laga qaado ciidanka Huteel Hido dhawr iyo in la joojiyo xaflada ay Sooyaal ku qabanayso Huteel Maansoor Sabtida beri,isla markaana Xuska lagu qabto goob aan Tigidh Martiqaad lagu galayn.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo Xalay la hadlay Idaacada ku hadasha afka dawlada ee Radio Hargaysa ayaa Cadeeyay inay isku waafaqeen in Xuska Shuhadada lagu qabto Meel dadka wada qaadi karta,maadaama huteeladu yar yihiin taas oo noqonaysa ayuu yidhi Fagaaraha Beerta Xoriyada isagoo xusay in Maalinta Sabtida la qabanayo Munaasibadaas,iyadoo la tixgalinayo Jimcaha Maanta.

Mudane Muuse Biixi Waxa uu Beeniyay in Mujaahid Ibraahin dhaga weyne Ciidanka RRU ku qabteen Qori Cabaysan uguna hanjabeen in hadii uu Talaabo dhankooda u soo qaado ay Xabad kaga Jawaabi doonaan,Gudoomiyaha Kulmiye ayaa si af gobaadsi ah u sheegay in Mujaahid Ibraahin C.laahi Xuseen “Dhego weyne” aanay wax dhici kara ahayn in lagu qabto qori isagoo daba socda Wararkii ay Saxaafadu soo Tebisay oo Xaqiiq ahaan Jiray waxaanu sheegay in Ibraahin Cid qori ku fiiqi karta amase la hadli kartaa aanay Jirin.

Isku soo wada duuboo is qabsigani waxa uu Meesha ka saaray in Xukuumadu isku Koobto Maalintan ka wada dhaxaysa Mujaahidiintii dalkan u soo Shihiiday.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed