|

Kulan London ku dhex maray Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Uk,iyo Wixii la isku afgartay

London 16.Oct 2014 (SDN/QJ)- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska gaar ahaan Magaalada London ayaa shalay galabnimadii la kulmay wasiirka Horumarinta caalamiga ah Ms. Lynna Featherstone.

IMG-20141015-WA0001Warsaxaafadeed uu Ku Saxeexan Yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa lagu Sheegay in Kulankani uu ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dhinac wada shaqaynta iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, waxa uu uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska doorkii muhiimka ahaa ee ka dowlad ahaan ay Ingiriisku ka qaateen shirkii maalgashiga Somaliland ee ka qabsoomay magaalada London maalintii  Salaasadii ee taariikhdu ahayd 14 Oct,2014, caalamkana ku tuseen in dalka somaliland yahay dal la isku halayn karo lana maalgashan karo sidoo kale waxay ka wada hadleen mashaariicda lagu horumarinayo Jamhuuriyada Somaliland ee ay dowladda Ingiriisku maalgaliso, sida SDF, BFM iyo Tababarka ciidamada aminiga.

shirkimaalgashiga london2dhinaca Wasiirka Horumarinta caalamiga ah ee Ingiriiska Ms. Lynne Featherstone, ayaa iyaduna ku amaantay Somaliland horumarka ay ku tallaabsatay, waxaanay ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidiyaan Jamhuuriyada Somaliland ee dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarinta.

Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.

1.    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda JSL. Mudane Maxamed Biixi Yoonis

2.    Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan

3.    Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire

4.    Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan Cawaale

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed