Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Khilaafyada Madaxda Somalia u dhexeeya Ee Soo Noqnoqanaya
New York:Oct,16,2014(SDN/QJ)-Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, ayaa walaac weyn ka Muujisay Khilaafka ragaadiyey hoggaanka Soomaalida ugu sarreeya oo muddooyinki ugu dambeeyey wax joogto ah noqday.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nikolas Kay oo shalay Golaha Amaanka ee qaramada Midoobay uga warbixiyay xaaladda Somalia ayaa ka hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa amisom kaga qabsadeen al-shabab deegaanno ay hore u heysteen, Khilaafka siyaasadeed ee madaxda Somalia , iyo qorshaha hiigsiga Somalia ee 2016ka.
Mr, kay ayaa sheegay in weli ay taagantahay baahidii ciidamada Midowga Africa iyo kuwa somalia ay u qabeen dayuuraddo dagaal ama helikobtarro ka taageera howlgalada inta dhiman. isla markaana ilaaliya sahayda iyo jidadka gala dhulka al-shabab laga saaray.
Waxa uu sheegay in horumar laga gaadhay dhinaca siyaasadda iyo dhismaha hannaanka dowliga ah oo hadda ay socdaan dib u heshiisiinno iyo dhismaha maalmul-goboleedyo ku meel gaar ah. Hase yeeshee loo baahanyahay in bulshada laga wada qeyb geliyo, dumarka iyo dhalinyaraduna ay saami ku yeeshaan dhismaha maamuladaa.
waxa uu tilmaamay in Somalia ay u baahantahay in la dedejiyo laba arimood. dhismaha Guddiga Qaran ee Madaxa banaan ee doorashada iyo guddiga arimaha Federalka iyo xuduudaha.
Waxa uu ugu baaqay dowladda Federalka iyo baarlamanka inay sameeyaan qabanqaabada howlaha looga baahanyahay.
Mr. Kay waxa uu sheegay inuu welwel ka qabo halista ay Somalia mar walba ugu jirto khilaaf sayaasadeed oo ka dhex aloosma madaxda dalka.
Mr. Kay waxa uu ugu baaqay hay’adaha siyaasadeed ee dalka, oo uu ku jiro baalamanka inay xoogga saaraan howsha deg degga ah ee hortaalla ee dhismaha hay’adaha qaran iyo hanaanka dhabaha loogu xaadhayo Nabad waarta, xasillooni iyo dib u heshiisiin dhab ah.
Waxa uu hadalkiisa ku soo qaaday in booqashadii taariikhiga aheyd ee xubno ka socday golaha amaanka ee qaramada Midoobay ay ku tageen Muqdisho bishii August ay tusaale u aheyd sida bulshadu caalmaku ay uga go’antahay wax ka qabashada Somalia, horumarka oo la sii xajiyana loo baahanyahay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com