|

Khasaaraha Qaraxii Xalay Ka Dhacay Degmada Xamar-weyne Oo Sii Kordhaysay

Muqdisho:Oct,16,2014(SDN/QJ)-Qaraxii habeenkii xalay ka dhacay makhaayad ku taalla Degmada Xamar-weyne, ayaa khasaarahiisu sii kordhayaa, waxana ilaa iyo Haatan dhimashadu gaadhay ilaa iyo 5-qof, halka dhaawacu kor u dhaafay 15-qof.

qeeqGaadhi nooca Spacio oo uu la socday hal nin, ayaa waxaa la sheegay in la soo dhigay meel ku dhow maqaaxida uu qaraxu saameeyay, isla-markaana waxaa halkaasi ku yaala Iskuul (Private) ah, Farmasi iyo goob ay caruurtu ku ciyaarto (Play Station Video Game).

Dadka ugu badan ee ku waxyeeloobay qaraxa, ayaa waxaa lagu sheegay caruur yar yar, waxaana isku soo aaday xilligii qaraxa la qarxiyay iyo xilligii Iskuulka laga soo sii daayay.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne C/qaadir Maxamed C/qaadir (Carab), ayaa wuxuu qaraxaan ku eedeeyay mintidiinta Ururka Al Shabaab, balse uu Maamulkiisu diyaar u yahay inuu ka hortaggo tallaabada rayidka lagu waxyeeleenaayo.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko), ayaa si xoogan u cambaareeyay qaraxaan, iyadoo uu Shabaabku ku eedeeyay inay bilaabeen ugaadhsi ka dhan ah maatida.

Afhayeenka, ayaa ku nuux-nuuxsaday in weerarada ceynkani oo kala ah ay muujinayaan sida ay Shabaabku ugu wiiqmeen dagaalada lagula jiro, isla-markaana ay beegsanayaan haweenka iyo caruurta, sida uu sheegay.

 

Dhinaca kale Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyada weerarka xalay ka dhacay Degmada Xamar Weyne, waxayna sheegeen inay ku beegsadeen maqaaxida Panorama oo ay fadhiisteen sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.

Sheekh C/casiis Abuu Muscab, Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab, ayaa ku goodiyay inaanay Magaalada Muqdisho ammaan ku jooggi doonin Saraakiisha Dowladda, xilli uu ku eedeeyay inay xabsiyada ka buuxiyeen Muslimiinta, sida uu tilmaamay.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed