Hargeysa:Nuxurka Warqad Digniin ah Oo Xukuumadd usoo Dirtay Muj. Sahra Halgan iyo Jawaabta ay Ka Bixisay
Hargeysa:Oct,16,2014(SDN/QJ)Xukuumadda Somaliland, ayaa waraaq digniin ah oo lagu diiddan yahay in xuska Maalinta Shuhadada SNM eek u Beegan maalinta Berri ee taariikhdu tahay 17-,10-2014, lagu qabto Huteel Hiddo-dhawr u dirtay Mulkiilaha Huteelkaas Muujaahidad Sahra Axmed Maxamuud(sahra halgan).
Waraaqda digniinta ah oo kasoo baxday wasaaradda Arrimaha Gudaha, isla-markaana uu ku saxeexan yahay Wasiir-ku-xigeenka amniga Cali-gadh-dheer, aya lagu sheegay inaan wax munaasibad maalinta la xidhiidh lagu qaban Karin Huteelkaas, ila-markaana qaban-qaabada iyo isku dubbo-ridka ayaantani ay iska leeyihiin Hoggaanka sare ee Jimciyadda Sooyaal oo haatan ay xukuumaddu gacanta ku hayso.
Digreetadaas, ayaa lagu sheegay inaan la aqbali Karin in xuskaas lagu qabto Xarunta Hiddo-dhawr oo ay iska leedahay Sahra Halgan, iyadoo la raaciyey in lagu qaban doono Hutel Mansor oo ah Goobta ay xukuumaddu la rabto inay ka dhacdo.
Waraaqdan ayaa oo lagu qoray Luuqad adag, ayaa lagu sheegay inaanay xukuumaddu aqbali Karin in wax munaasibad ah oo la xidhiidha maalintan lagu qabto Huteelka Hiddo-dhawr oo ku yaalla Badhtamaha Caasimadda Hargeysa.
Markii waraaqdaasi soo gaadhay Mujaahid Sahra Ahmed Mohamoud (Sahra Halgan), waxa ay ka Bixisay Jawaab, iyadoo caddaysay inay xukuumaddu ka horistaagtay xuskii ay doonaysay inay Huteelkeeda ku qabato.
Sahra Halan ayaa sheegtay in loo baahan yahay inaanay xukuumaddu siyaasadayn maalinta ay iska leeyihiin Mujaahidiintu, isla-markaana u arkaan maalin ay leeyihiin dadkii dalka xoreeyye,
“Qofkan Uu U Sheegayaa Wa’ayo Aniga Sahra Halgan Baa Lay Yidhaa Ragan Aad Sheegaysee Wadanka U dhintayna Qaarbaan Gacantayda Anoo Dumar Ah Ku Aasay Ku Lug la goynayo Lugtaan Madaxa Hayay Ku La Dhayayaan Macawuusta intaan U Gooygooyno Ku Dhayi Jirnay Halkuu Joogay Maanta Markaan Jaanis U Helay Aniga Cidna Albaabka Umaan Diidin Inay Timaado Xarunta Walaa Sooyaal Walaa Haday Tahay Cidkale Waxaan Ka Codsanayaa Ragaan Wasiirada Isku Sheegaya Anigu Wasiirba Uma Haystee Inaanay Naga Siyaasadeyn Maalinta Shuhadada” ayey tidhi sahra Halgan.
Mujaahidada Sahra Halgan Waxaa Kaloo Ay Sheegtay In Muwaadiniinta Somaliland Ay Maalinta Beriya Iman Karaan Xarunta Hido Dhawr Oo Ay U Furantahay Laguna Qaban Doono Xuska Shuhaadada SNM.
Waxaa Kaloo Intaasi Ay Raacisay In Ay Tahay Wax Lagu Farxo Xuska 30-Guurada Maalinta Qiimaha Leh Ee Shuhaadada SNM Ee Ku Beegan Maalinta Jimacaha Taariikhduna Tahay 17-ka October-2014.
Sida La Wada Ogsoonyahay Sahra Ahmed Mohamoud Sahra Halgan Ayaa Ka Mida Mujaahidiintii Usoo Halgantay Xornimada Iyo Madax Banaanina Somaliland. Ee Suurto Galisay In Maanta Shacabi Weynaha Reer Somaliland Uu Ku Faano Nabad Galyo Taaba Gashay Tan Iyo Intii Ay Madax Banaanideeda Kala Soo Noqotay Dalka Somalia 1991kii.
SDN/QJ