Yaasmiin Maxamed Kaahin ‘Guurku igama hor-istaagin hammigii aan lahaa gabarnimadeydii’
Dhaqan ahaan Soomaalida wiilasha iyo gabdhaha way kala xurmeeyaan oo badanaa waxay xoogga saaraan wax baridda wiilasha oo ay aaminsan yihiin inay nacfi u yeelan doonto qoyska, halka gabadhuna ay aaminsan yihiin in keliya loogu talo galay inay qoyska hooyo ka ahaato oo ay guriga joogto.
Gabdha laftigooda ayaa qaarkood marka ay guursadaan isaga taga shaqadii iyo waxbarashadii ay hayeen, sababo la xiriira cadaadis ay seygooda iyo qoysaskooda kala kulmaan amaba iygaoo aamina inaysan isku wada qaban karin dhammaan howlahaas.
Balse, keliya haweenka aamina inay ka adag yihiin gurigooda iyo waxbarashada iyo shaqada ayna isku qaban karaan ayaa hadafkooda meel mariya, sida Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ah hooyo saddex carruur ah leh, kuna nool magaalada Hargeysa. Ka hor intii aysan guursan waxay qaadatay waxbarashada dugsiyada hoose iyo sare ilaa ay culuumta sharciga ka bilowady jaamcadda Alpha ee Hargeysa, sanadkeedii labaad ee jaamacadda ayay guursatay waxayna noqotay haweenay la qabo waxbarashdiina way sii wadatay.
“Waxbarashadeyda waan sii watay oo wax dib u dhac ah haba yaraatee iiguma imanin waxbarashada, ismaan odhan waad guursatay ee waxbarashadii ka hadh, manaan arkaynin wax iga reebi kara, waan awoodaa inaan wada maarreeyo nolsheda”.
Yaasmiin darajadii koowaad ee jaamacadda markii ay dhammaysatay iyada oo hooyo laba carruur ah leh, haddana waxay bilowday inay shaqayso, “Subixii waan soo shaqo tagaa,kadib jaamacadda baan aadaa, markaan shaqada dhammeeyo ayaan u imaadaa carruurta iyadoo aysan wax dayac ah ku imaan,”
Waxay carruurteeda uga tagtaa marka ay guriga ka maqan tahay qaraabadeeda oo guriga kula nool, waxayna haweenka ku dhiiri gelisay inaanu guurku marnaba ka hor istaagin hammiga ay lahaayeen gabarnimadoodii.
Waxay aaminsantahay in marka la eego dhaqaalaha uu qoyska magaaladu u baahan yahay ay lagama maarmaan tahay in haweenaydu ay garab istaagto saygeeda, “Maanta waa la ogyahay baahida dhaqaalaha ee qoys magaalo uu qabo, ninkuna waxaa ku tiirsanaan kara dad badan oo ehel ama qaraabo ah, marka waxii ay gabadhu soo kordhiso ee dhaqaale ah waa muhiim iyo faa’iido la helay un”
Yaasmiin nasiib wanaag waxaa ku taageeray inay waxbarshadeeda ka harin saygeeda, Barkhad Maxamuud oo ay jaamacadda iska barteen oo way wada dhigan jireen “Haadii aad xaaskaaga u oggolaato in waxii ay baratay ay ku shaqayso, waxaad bulshada u oggolaatay inay ka faa’iidaystaan cilmigii ay baratay, ubadkeedana ay uga faa`iideyso, adigana ay kugu garab istaagto nolosha qoyska.” Ayuu yiri Barkhad.
Haddaba dhaqanka Soomaalida ayaa lagu saleeyaa inuu saameyn ku yeesho in haweenka ay waxbarashadooda iyo hammigooda ay heer ka gaaraan, iyadoo goobaha xafiisyada aad arkeyso, in shaqooyinka sarsare la siiyo ragga, taasoo niyad jab ku ah haweenka.
Dhaqan yahan Yuusuf Cabdulle Cismaan oo loo yaqaanno Shaacir, wuxuu qabaa in maaddaama hadda magaalooyinka loo soo guuray haweenayda la siiyo wax kasta oo xuquuq ah oo u beddelaya kii ay ku heli jirtay miyiga oo ay waxbarashadu ka mid tahay.
“Xagga dhaqanka marka laga eego, haweenku waxay saygooda ku lahaayeen in dhammaan baahideeda iyo baahida qoyskeeda iyo qaraabadeeda la damaanad qaado, balse dhaqankaasi hadda ma jiro oo haweenku dan baa ku kallifeysa inay shaqeeyaan, waana wax loo baahan yahay oo waqtigan haatan jira inay qoyskeeda caawiso waa loo baahan yahay.” Ayuu yiri Yuusuf.
Yaasmiin waxay hadda ku jirtaa waxbarashada darajada labaad ee jaamacadda ee Masterska, waxayna isku aragtaa qof wax badan u qaban kara bulshada, waxaana hammigeedu uu yahay inay noqoto bare jaamacadeed.
Cumar Cali Xasan (Seerbiya)/FM