“Madaxweynaha Afkiisa waxaynu ka haynaa in uu sharaxan yahay, kuwii beenta ka sheegay wali waxay sii wadaan beentii,” Wasiir Samaale
Hargaysa 16.Oct 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. C/casiis Maxamed Samaalle, ayaa sheegay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu cadeeyey in uu musharax yahay, isla markaana uu bulshadda daboolka uga qaaday murrashaxnimadiisa kalka labaad ee dastuurku u jideeyay. Waxase uu been abuur cad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay inuu ka tanaasulay tartanka doorashada madaxtooyadda ee lagu wado dalka inay ka dhacdo 2015-ka.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sidaasi ka sheegay Kormeer ay isaga iyo Wasiirrada Waxbarashadda iyo Warshaduhu ku soo mareen dhismaha jidka Alley-baday ee gobolka Gabiley.
“Madaxweynaha Afkiisa waxaynu ka haynaa in uu sharaxan yahay, kuwii beenta ka sheegay wali waxay sii wadaan beentii,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaalle
Wasiir Samaale waxa uu sheegay in uu Madaxweyne Siilaanyo u xushay xukuumaddiisa Wasiirro wanaagsan oo mudadii uu xilka hayey ka soo baxay shaqadii loo dirtay, kuwaas oo ku shaqeeyey Horumarka iyo wax-qabadka wanaagsan ee uu Taariikhda ku galay, isagoo sheegay in Madaxweyne Siilaanyo hore-na taariikh wanaagsan u soo sameeyey imikana ku khatimayo.
“Haddii Aanu Madaxweynaha haatan tallada dalka hayaa aanu joogin, waddo lama hawaysteen, Miyaa la hawaysan lahaa? Awal maxaa loo hawaysan waayay. Sideed sannadood ayay xukuumaddii UDUB dalka ka tallinaysay wadada Boorame iyo Hargeysa siday ahayd waad ogaydeen shacbiyoow wadadaasi waa la dhameeyay waxaana dhamaysay xukuumadda maanta joogta. Waddooyinkaasi maanta wada bilaabmayna ILAAHAY idinkii inta uu tallada wadanka hayo Madaxweyne Siilaanyo ayay wada dhammaan doonaan,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyaddu, waxaanu intaasi ku daray “Wadadan Gabiley illaa Allay-baddey way kooban tahay oo dhakhso ayay u dhammaan doontaaye’, jidka Ceerigaabo ayaa dhammaan doona haddii ALLE yidhaahdo wadooyinka waqooyiga Hargeysa,Sallaxley,Baligubadle ayaa dhammaan doonta.”
Wasiir Samaale waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u baryey in uu Cimriga u dheereeyo isla markaana uu bulshada Reer Somaliland uga tago midho wanaagsan, waxaau daadifeeyey kuwa dhaliila waxqabadkiisa oo uu sheegay inay ka been sheegayaan inta uu qabtay.
Wasiirka Maaliyaddu waxa uu sheegay markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo tallada Dalka la wareegay in dalku ku jiray Dayn taasoo ay bixiyeen. Waxa kale oo uu sheegay in uu dhisay wadadii UDUB ay dhisi kari weyday ee Boorama, isagoo xusay Madaxweynihii xilligaasi in uu ka soo jeeday Gobolka Awdal, halka Xukuumadda Kulmiye ka dhisayso dhammaan Jidadka Goboladda iyo Degmooyinka Dalka isku xidhaya.
Wasiir Samaalle waxa uu xusay Madaxweyne Axmed Siilaanyo in uu goboladda Barri ka bedelay lacagtii Giimbaarta ahayd, dakhliga Dalkana kor u qaaday, iyadoo waxaas oo dhami ay ku yimaadeen dedaalka iyo daacadnimada Wasiirrada uu u xushay Golihiisa Wasiirrada.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com